4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Mashruuc lagu xoojinayo Dumarka Soomaaliyeed oo Maanta furmay


Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Xarunta horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee loosoo gaabiyo SWDC ayaa maanta waxaa ka furmay mashruuc loogu gogol-xaarayo sidii haweenka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan lahaayeen siyaasadda iyo doorashooyinka soo socda.

Kulankaan oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Somalia, haweenka Qaranka, kuwa gobolka Banaadir, kuwa degmooyinka Muqdisho iyo aqoonyahanno ka tirsan haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa hadal ku furay madaxa mashruucaas, Ibraahim  Axmed  Cali oo sheegay  in mashruucu uu socon doono hal sano laguna diyaarin doono haween ka qayb-qaata siyaasadda dalka.

Xubnihii ka hadlay kulankaas ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo si aad ah ugu dheeraatay sida haweenka Soomalliyeed ay ugu dulman yihiin siyaasadda, dhaqaalaha iyo shaqada, iiyado kula dardaarantay haweenka Soomaaliyeed inay u sara-kacaan sidii ay u soo dhacsan lahaayeen xuquuqdooda isla markaana door muhiim ah ugu yeelan lahaayeen doorashada soo socota.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Maadaama haweenka Soomaaliyeed ay si aad ah ugu tilmaanbaayeen xilligii adkaa ee dalka uu soo maray ayaa maanta waxaa  loo baahan yahay inay sii xoojiyaan dadaalkooda oo ay si aad uga muuqdaan doorashadda soo socota oo dhacaysa sannadka 2016-ka,” ayay tiri Sahro Axmed Maxamed oo ah la taliyha dhinaca sharciga ee xarunta SWDC.

Sidoo kale, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ah guddoomiyaha haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo ka hadashay furitaanka mashruuca ayaa waxay ugu horreyn u mahadcelisay ururka SWDC, iyadoo intaas kaddib sheegtay in waxa ka maqan ay tahay wax gacmahooda ku jira oo loo baahan yahay in haweenka Soomaaliyeed ay u sitaagaan sidii xuquuqdaas ay u soo ceshan lahaayeen.

Ugu dambeyn, waxaa mashuurca furay wasiiradda haweenka iyo xaquuqda aadanaha ee xukuumadda Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye oo halkaas uga mahadcelisay intii isku soo duwday mashruucaan kaasoo dumarka looga qayb-gelinayo arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo shaqada, iyadoo balla-qaaday in inta ay joogto xafiiska ay wax badan ka qaban doonto dhammaan xuquuqaha ka maqan haweenka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya