4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Madaxweynaha oo kulan Amniga looga hadlayo la leh Saraakiil sare

Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa kulan looga hadlayo ammaanka xilligan Muqdisho kula leh saraakiisha ha’yadaha ammaanka dalka iyo wasiirka amniga Qaranka.

Kulanka oo ah mid ay albaabbadu u xiran yihiin ayaa ka socda xarunta taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo lagu wado in faahfaahin laga bixiyo marka lasoo gunaanado.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu si aad ah uga hadlay amaanka, isagoo ka dalbaday saraakiisha hay’adaha amniga inay xoojiyaan sugidda ammaanka dalka oo dhan, gaar ahaan Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen falal ammaan-darro.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu dhageysanayaa warbixinno ay saraakiisha hay’adaha ammaanka soo gudbinayaan, iyadoo kaga hadli doona ammaanka magaalada Muqdisho iyo kuwa deegaannada ay dowladdu gacanta ku hayso.

Kulanka madaxweyanha ayaa kusoo beegmaya iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdweli Sheekh Axmed uu horay uga dalbaday saraakiisha hay’adaha ammaanka inay kasoo warbixiyaan sababihii keentay in Muqdisho la duqeeyo.

Al-shabaab ayaa sheegatay duqeyntaas, iyagoo xusay inay sii wadi doonaan inta ay dhibaateynayaan waxay ugu yeereen cadowga oo ay ula jeedaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo ay dagaal kula jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya