4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku Wajahan Magaalada Nairobi

Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maalmahan socdaallo kala duwan ku marayay dalal ka tirsan kuwa dariska la ah Soomaaliya ayaa lagu waadaa in maanta uu gaaro magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mudane Cabdiweli iyo wafdigiisa ayaa waxay kasoo kicitimayaan Jabuuti oo ay ku sugnaayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay, iyagoo magaalada Nairobi joogi doona illaa maalinta berri ah.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameerika oo la hadlya warbaahinta ayaa sheegay in qabanqaabada soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay ka socoto xilliga garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

“Ra’iisul waaaraha iyo wafdigiisa caawa waxay la kulmi doonaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi, sidoo kale maalinta berri ah wuxuu booqan doonaa safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Nairobi,” ayuu yiri danjiraha oo intaas ku daray inuu la kulmi doono inta uu Nairobi joogo madaxda dalka Kenya.

Booqashooyinka uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku marayo qaar ka mid ah dalalka dariska la ah Somalia ayaa lagu sheegay inay tahay mid lagu doonayo in lagu xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo dalalka dariska ah oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya.

Mudane C/weli Sheekh Axmed ayaa safar kusoo maray dalka Itoobiya oo dhawaan ay ciidamadiisu ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo kala hadlay sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen sugidda amniga guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu soo maray dalka Jabuuti isagoo madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kala hadlay sidii Jabuuti ay gacan uga geysan lahayd xasilinta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya