4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Qoysaska Ajaanib lagu haysto Somalia oo ka shakisan sii-dayntooda

Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Qoysaska bad-maaxiin ajnabi ah oo ay gacanta ku hayaan kooxo burcad badeed ah ayaa ka dalbaday mar kale kooxahaas in ay sii daayaan dadka ay haystaan oo gaaraya afar ruux, isla markaana laga soo afduubay xilli ay marayeen xeebaha Soomaaliya.

Dadkan la soo qafaashay ayaa la socday markab lagu magacaabo MV Albeldo oo uu ka dul-babanayay calanka wadanka Malaysia,waxaana ay wali gacanta ugu jiraan kooxaha burcadda ah muddo  38-bilood ah.

Waraaq furan oo ay qoysaskaas  u soo direen kooxaha burcad badeeda ah ayaa looga dalbaday in ay ixtiraamaan codsiga ehelada oo isugu jira qaybo kala duwan ,iyadoo dowladda Thailand oo ay ka soo jeedaan afartan muwaadin  ay dhowr jeer oo hore diidday in ay wada hadal la furto kooxahaas.

"Ma awoodno in intaan ka badan aan sii haysanno dadkan, waana sii daynaynaa dhawaan si ay qoysaskooda ula midoobaaan"ayuu yiri afhayeen u hadlay kooxaha burcadda ah oo la hadlay warbaahinta maalmo ka hor, kaasoo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Si rasmi ah looma cadayn halka lagu haysto dadkan u afduuban, iyadoo uu jiro shaki laga muujinayo hadal ay sii dayeen kooxdaas dhawaan oo ahaa in bilaa madax furasho ay xoriyadooda dib ugu celinayaan dadka ay haystaan.

Weerarada ay fuliyaan kooxaha burcadda ah ayaa is dhimay labadii sano ee ugu danbaysay ,inkastoo ay jiraan maraakiib wali lagu haysto qaybo ka mid ah xeebaha dalka ,waxaana jira weeraro kale oo la fashiliyay sanadkii la soo dhaafay 2013-ka .

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]