4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Madaxweynaha Puntland oo saaka ku wajahan degmada Dangorayo


Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) —Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka ku wajahan degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Ujeedada safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ah sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen qaybinta deeq raashin iyo qalab isugu jirta oo ka timid dalka Turkiga, deeqdaas oo loogu tala galay dadkii ay roobabkii barafka watey saameeyeen.

Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo kormeeri doona buundada Sin-u-jiif oo ay iyadana  roobabkii barafka watey jareen, madaxweynaha ayaa  furi doona mashruuc ballaaran oo buundada lagu dayactirayo.

Waa booqashadii labaad ee madaxweynaha Puntland uu ku tago deegaannada ay duufaantu saameysay tan iyo markii la doortay horraantii bishii Janaayo ee sannadkan 2014.

Degmada Dangorayo waxay qiyaastii 80km dhinaca waqooyiga kaga beegan tahay magaalada Garoowe, waana halka inta badan lagu ururiyo lagana qaybiyo gurmadka loogu tala galay dadka ay abaaruhu cayreeyeen.

Faah faahin ku saabsan booqashada madaxweynaha Puntland ee degmada Dangorayo dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa…

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya