4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadyo ku tagaysa Muqdisho


Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa lagu wadaa inay markii ugu horreysay duulimaadyo cusub ku tagto magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kaddib heshiis iskaashi oo dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Duulimaadyada ayaa billaabanaya dhawaan sida uu sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya, Siciid Maxamed Qorsheel, inkastoo aanu sheegin xilliga rasmi ah ee ay billaaban doonaan duulimaadyada.

Heshiiskan ayaa waxaa magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday wasiirrada gaadiidka iyo duulista dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo heshiiskan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo labadal ay kala saxiixdaan tan iyo markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya.

“Itoobiya waxay naga caawin doontaa tababarka shaqaalaha duulimaadyada rayidka ah iyo kuwa gaadiidka,” ayuu wasiirka gaadiidku u sheegay Radio Muqdisho oo ku hadla faka dowladda Soomaaliya.

Diyaaradaha Itoobiya ayaan wax duulimaadyo ah ku imaan Soomaaliya tan iyo markii uu dhacay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya oo daris ah sannadkii 1977-kii, marka laga reebo inay duulimaadyo ku tagto magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

“Heshiiskan muhiimad gaar ah ayuu noo leeyahay xilligan, waayo Itoobiya waxay tababarro siinaysaa shaqaalaheenna duulimaadyada,” ayuu Qorsheel hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u howlgelinta diyaaraddii Somali Airlines, kaddib 22-sano oo uu dalku ku jiray colaado sokeeye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya