4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
War deg-deg ah: Taliyihii nabadsugidda magaalada Kismaayo oo la dilay

Isniin, Feberaayo 17, 2014 (HOL) War dhawaan naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in la dilay taliyihii nabadsugidda ee magaalada Kismaayo Ciise Kaabooni xilli sida la sheegay uu gurigiisa sii galayey.

Wararku waxay intaa ku darayaan in mid ka mid ah ilaaladiisiina la dilay, mid kalana la dhaawacay halka mid seddexaadna la la'yahay.

Marxuumkan ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2013 loo magacaabay taliyaha nabadsugidda ee magaalada Kismaayo wuxuuna ahaa shaqsi ay aad isugu dhawyihiin guddoomiyaha maamulka Jubland Axmed Madoobi

Xafiiska wararka ee Hiiraan Online