4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Xildhibaanno booqday isbitaalka Kismaayo iyo goobo kale (SAWIRRO)


Isniin, Febaraayo 17, 2014 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqday isbitalka guud ee degmada Kismaayo iyo weliba marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo.

Xildhibaannada oo uu horkacayay Xildhibaan Max’ed Iidle Geedi ayaa waxa ay ugu horeyn booqdeen isbitalka degmada Kismaayo, iyagoo halkaasi kulan kula qaatay saraakiisha caafimaadka ee isbitalka Kismaayo.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay agaasimaha guud ee isbitalka Kismaayo Dr. Cali Nuur ayaa waxa uu wafdiga uga warbixiyay howlaha shaqo ee isbitalka iyo weliba baahidooda, wuxuuna sheegay in isbitalku u baahanyahay in laga caawiyo dhinacyo badan oo ay kamid tahay dhanka dhismaha, dawooyinka, tababarrada iyo weliba qalabka qalliinka.

Intaasi kadib ayay wafdiga qol qol usoo booqdeen dhamaan qeybaha kala duwan ee isbitalka, waxayna sidoo kale soo kormeereen qeybo uu ka burbursanyahay isbitalka, kuwaasoo aan wax dayactir ah helin mudadii uu dalku burbursanaa.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Xildhibaan Max’ed Iidle Geedi oo booqashadooda kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in fariintan ay gaarsiin doonaan dowladda Soomaaliya, waxa uuna xusay in xaaladda uu ku arkay isbitalka Kismaayo ay tahay mid aad looga naxo islamarkaana u baahan in si degdeg ah loogu soo gurmado.

Sidoo kale, waxaa iyana goobta ka hadashay Xildhibaan Xamzo Sheekh Xuseen, waxayna ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay gacan ka geysato wax u qabashada shacabka ku dhaqan Jubooyinka, iyadoo ku eedeeysay dowladda in ay ilowday gobolladan Jubooyinka.

Gabagabadii wafdiga ayaa booqday dekedda magaalada Kismaayo oo ay ku xirnaayeen maraakiib iyo doomo ganacsi, waxayna halkaasi kula kulmeen masuuliyiinta dakadda ee maamulka Jubba, kuwaasoo warbixin ka siiyay howlaha shaqo ee dakadda.

Booqashadan ayaa kusoo aadeeysa iyadoo baarlamanka Soomaaliya uu ku jiro xilligii fasaxa, waxaana xildhibaanada ay wadaan safarro kala duwan oo ay ku bixinayaan deegaanada ay kasoo jeedaan si ay usoo qiimeeyaan xaaladaha dhabta ah ee ka jiran.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya