4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Ra’iisul wasaaraha Somalia oo la kulmay Madaxda Jabuuti+SAWIRRO


Isniin, Febaraayo 17, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed oo booqasho rasmi ah maalintii labaad ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele iyo ra’iisul wasaarihiisa, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed; isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo howlaha u qorsheysan xukuumadda Soomaaliya.

Mudane C/weli ayaa uga mahad-celiyay xukuumadda Jabuuti dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee ay ku garab-taagan tahay Soomaaliya si ay uga soo kabato burburka xoogganaa ee soo gaaray. isagoo ka war-bixiyay xaaladda ammaan ee Somalia iyo qorshaha ay xukuumaddiisu ku doonayso inay dalka oo dhan uga xorayso Al-shabaab oo uu xusay inay dhibaato ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaa noo qorshaysan inaan ka guulaysanno kooxaha nabad-diidka ah, waxaan kaashan doonnaa ciidanka AMISOM oo Jabuuti ay ka mid tahay. Marka aan dib u xorayno dalka waxaan ka shaqayn doonnaa in shacabka ku nool magaalooyinkaas ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo dhamaystiran," ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa ku tilmaamay dawladdiisu inay tahay mid isbedel muujin doonta, lagana gudbi doono dhammaan caqabadaha jira.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

"Soomaaliya dhibaatooyin badan ayay soo martay, waxaa qayb ka ah dhibaatooyinkaas faqriga. Waxaan mar kasta kala qayb qaadanaynaa walaalaha Soomaaliyeed sidii ay sharaftooda u soo ceshan lahaayeen, loogana guulaysan lahaa kuwa dhibaatada ku haya Soomaalida," sidaa waxaa yiri madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, isagoo ku daray hadalkiisa inuu xaqiijinayo in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii saxda ahaa.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Jabuuti, Cabdiqaair Kaamil iyagoo kawada hadlay fursadaha ay haystaan shacabka Soomaaliyeed iyo ahmiyadda ay leedahay in la sugo amniga si looga faa’iidaysto khayraadka Somalia. Waxaa kaloo ay kawada hadleen xooojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay qaar ka mid ah dekedaha dalka Jabuuti ee hormarka weyn sameeyay. isagoo madaxda dalka Jabuuti ku ammaanay horumarka ay ka samaynayaan dhanka dakadaha, Soomaaliyana ay wax badan ka faa’iidaysan doonto.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Jabuuti oo ay weheliyaan wasiirkiisa arrimaha dibadda iyo kan difaaca ayaa qado sharaf u sameeyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya