4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Jilaa Soomaaliyeed oo la siiyay Abaalmarinta BAFTA (SAWIRRO)


Isniin, Febaraayo 17, 2014 (HOL) — Jilaaga Soomaaliyeed ee wax ka jilay filim laga sameeyay burcad-badeedka Soomaaliya ee Captain Philips, Barkhad Cabdi ayaa ku guuleystay abaal-marinta BAFTA kaddib xaflad xalay ka dhacday magaalada London ee xarunta dalka Britain.

Abaal-marinta BAFTA ayaa sannad walba laga bixiyaa dalka Britain, iyadoo la siiyo jilaaga iyo filim soo saarayaasha aflaamta adduunka, waxaana xafladdaas ka qayb-galay dad magac ku leh adduunka oo u badan jilayaasha caanka ka ah ee Hollywood-ka.

Barkhad Cabdi ayaa ka guuleystay jilayaal kala ahaa: Matt Damon iyo Michael Fassbender, gaar ahaan doorka caawiyaha jilaaga, wuxuuna u mahad-celiyay Tom Hanks oo ahaa jilaagii filimkii Captain Philips.

Sidoo kale, Barkhad ayaa u mahad-celiyay dhammaan intii kala qayb-qaadatay jilista filimkaas, sida Tom Hanks, Bafra, Paul Greengrass oo ahaa jilayaashii ka qaybqaatay filimkaas, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyay hooyadiis.

Markii uu fuulayay masraxa abaal-marinta lagu guddoonsiiyay ayaa si aad ah loogu sacbiyay, waxaana wajigiisa ka muuqatay farxad weyn intii uu guddoomayay abaal-marinta caalamiga ah ee BAFTA.

Barkhad Cabdi ayaa ku jira liiska tartamayaasha abaal-marinta ugu weyn adduunka ee Oscar-ka loo yaqaan ee filimmada Hollywood oo la qabanayo bisha Maarso ee nagu soo foolka leh, isagoo sheegay inuu rajo-weyn ka qabo inuu ku guuleysto.

Jilaagan Soomaaliyeed ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ku guuleystay abaal-marinta BAFTA oo ka mid ah abaalmarinada ugu qaalisan dunida.

Barkhad wuxuu ahaa jilaagii labaad ee filimkii Captain Phillips oo uu jilayay jilaaga caanka ah Tom Hanks ee u dhashay dalka Mareykanka.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya