4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Wasiirada Puntland oo ka shiray amniga, gaadiidka iyo Qodobbo kale


Isniin, Febaraayo 17, 2014 (HOL) — Golaha wasiiradda Puntland ayaa madaxtooyada Garoowe ku yeeshay shirkoodii toddobaadlaha, kaasoo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

In ka badan 40 xubnood ayaa soo xaadirtay kulanka sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiim C/llaahi Cumar, waxaana markii uu soo idlaaday saxaafadda kaga warbixiyay qodobbadii kulanka looga hadlay agaasimaha guud ee madaxtooyada, Deeq Saleebaan Yuusuf.

Agaasimaha ayaa xusay in goluhu ay warbixin ka dhageystay wasiirka amniga taasoo ku saabsanayd nabadgelyada guud ee Puntland iyo baahida loo qabo inay wada-shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo dadweynaha.

Wasaarada gadiidka iyo hawlaha guud ayaa iyana soo gudbisay xeerka xamuulka, taasoo ay wasiirradu ka doodeen, sidoo kalena waxaa la isla qaatay diiwaan-gelinta gaadiidka dowladda iyo diwaan-gelinta wadayaasha (darawalladda) si loo dhawro hantida maamulka Puntland.

Goluhu waxay isla meel dhigeen qodob horay uu madaxweynuhu u soo jeediyay oo ahaa in la diiwaan-gasho hantida gaarka ee uu leeyahay mas'uulka kasta oo dowladda ka tirsan si ay qayb uga noqoto la-dagaalanka musuq-maasuqa.

Buundada Sunijiif oo dhawaanahan jabnayd ayaa la sheegay inuu xilli dhow dhagax-dhigi doono madaxweynaha Puntland si loo ambaqaado howsha dib loogu dhisayo. Waxaana sidoo kale la furay mashaariicdii Puntland ka socday sida, JPLG iyadoo xukuumaddu fasaxday bixinta qoondeynta 10% ee kusoo aadday.

Ugu dambeyn, agaasimaha guud ayaa sheegay in wafdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland ay maalinta berri ah u bixi doonaan dhanka degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal halkaasoo qoysaskii duufaantu wax-yeeshay loogu qaybin doono mucaawino ka timid dalka Turkiga.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya