4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Ciidanka ku biiray AMISOM oo Maanta lasoo Bandhigay (SAWIRRO)


Isniin, Febaraayo 17, 2014 (HOL) — Kaddib munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa si rasmi ah looga dhawaaqay ku biirista cidamada Itoobiya ee howlgalka AMISOM qaybtooda gobollada dhexe.

Munaasabada oo ay ka qeyb-galleen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda, iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka, ayaa lagu soo bandhigay ciidammo Itoobiyaan ah oo sita koofiyada iyo caalamada AU-da, taasoo ka tarjumeysan in ay ka mid noqdeen howlgalka midowgga Africa ee Soomaaliya.

Col. C/raxmaan Abdow oo ah taliyaha ciidamada AMISOM ee qeybta afraad [Sectar4] oo munaasabada ka hadllay ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaan awooda cusub ee ku soo biirtay oo sida uu hadalka u dhigay ah mid wax weyn ka tari doonta dadaalka ballaaran ee loogu jiro xasilinta iyo nabad ku soo celinta Soomaaliya.

''Waan soo dhaweyneynaa ku biirista ciidamada Itoobiya howlgalka AMISOM , waa tallaabo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya iyo sidii dalka loo nabadeyn lahaa,'' ayuu yiri,'' taliyaha ciidamada AMISOM ee gobollada dhexe.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Waxaa uu baaq u dirray qeybaha bulshada ku dhaqan bartamaha Soomaaliya, isaga oo ka codsaday in ay gacan ku siiyaan ciidamada howlgalka ka dhanka ah xarrakada Al-shabaab.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadllay taliya ku-xigeenka qeybta afraad ee AMISOM oo u dhashay dalka Itoobiya, kaa oo cabiray dareenkiisa ku aadan sida ay ugu faraxsan yihiin yihiin ka mid noqoshada howlgalka midowgga Africa, waxaana uu intaa ku darray in xasiloonida Soomaaliya tahay mid dan u ah guud ahaanba wadamada dariska ah oo ay Itoobiya ka mid tahay.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ee ka hadashay munaasabada ayaa dhinacooda sheegay in ay gacan ku siin doonaan ciidamada AMISOM howlgalka iyo dadaalka la doonayo in lagu nabadeeyo qeybaha gobolku ka kooban yahay iyo guud ahaan bartamaha Soomaaliya.

Horay waxaa magaalada Beledweyne u joogay ciidammo ka socda dalka Jabuuti oo tiradooda lagu sheegay 1000 askari, laakiin waxaa muuqata in hadda tirada ciidamada midowgga Africa ee ku sugan gobolka Hiiraan gaarayaan kumanaan askari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
Beledweyne, Soomaaliya