4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Afar weriye oo abaalmarinno la guddoonsiiyay Garoowe (SAWIRRO)

Bidix: Maxamed Salaad X. Dirir, C/raxmaan Axamed, C/raxmaan Xudeyfi iyo Cabdi X. Awoowe

Isniin, Feberaayo 17, 2014 (HOL) —Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta abaal marino lagu guddoonsiiyey afar weriye oo kamid ah 12 weriye oo kusoo baxay tartan sanadkii hore ee 2013 loo qabtay weriyeyaasha ka howlgala warbaahinta af-soomaaliga ku hadasha ee maxalliga ah.

Madaxda ururka saxafiyiinta Puntland ee magaciisa loosoo gaabiyo MAP, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda war-faafinta ee Puntland iyo madax ka socota Qaramada Midoobay ayaa xafladda qaybinta abaal marinaha kasoo qayb galay.

Tartanka oo la shaaciyey bishii October ee sanadkii hore, waxaa si wadajir ah isula wadey Qaramada Midoobay, NUSOJ iyo SOLJA, waxaa looga gol lahaa in lagu qiimeeyo kaalinta ay weriyeyaasha Soomaalidu ka qaateen: u qareemidda dadka dhibban, gargaarka bini aadamtinimada iyo isku-xirka deeq bixiyeyaasha iyo dadka gargaarka u baahan.

Inkasta oo waqtiga shaacinta natiijadu uu muddo labo bilood ah dib u dhacay, waxaa hadana shalay oo ay taariikhdu ahayd Feb 14, 2014 la shaaciyey magacyada 12 weriye oo ku guuleystey abaalmarinta warbaahinta Soomaalida ee sanadkii 2014.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Weriyeyaasha guuleystey ayaa u qaybsan saddex kooxood, waxayna isugu jiraan: koonfurta iyo gobollada dhexe oo ay afar weriye kasoo baxeen; afar weriye oo kasoo baxay Puntland iyo afar kale oo kasoo baxay dhinaca Somaliland.

Qaybta Puntland waxaa tartanka kusoo baxay afar weriye, waxayna magacyadoodu kala yihiin: Maxamed Salaad Xaaji Dirir, C/raxmaan Axmed Yuusuf(Faratol), Cabdi Xasan Awoowe iyo C/raxmaan Cabdi Maxamed (Xudeyfi).

Guddi madax bannaan oo isugu jira khuburo dhanka warbaahinta ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay, xirfadleyaal horay saxaafadda uga soo shaqeyn jirey iyo dad kale oo warbaahinta aqoon u leh ayaa loo saaray inay qiimeeyaan warbixinaha ay soo direen weriyeyaasha tartanka ka qayb galay, iyaga ayaana soo xulay 12-ka warbixinood ee guuleystey.

Dhammaan dadkii munaasabadda qaybinta abaalmarinaha ka hadlay ayaa ka dhawaajiyey sida ay muhiim u tahay in dhiirigelin loo sameeyo weriyeyaasha Soomaalida oo iyagu ku shaqeeya xaalad aad u adag. Abaal marinaha la qaybiyey ayaa kala ahaa: shahaado sharaf, kumbuyuutarro iyo qalabka codka lagu duubo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya