4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Madaxweynaha Somalia oo sheegay in maamullo la sameyn doono

Isniin, Feberaayo 17, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gobolllada aysan maamulladu ka jirin iyo kuwa ay gacanta ku hayso Al-shabaab loo sameyn doono maamullo KMG ah inta ay dadka ku nool gobolladaas kasoo dooranayaan mas’uuliyiin hoggaamisa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisa ku sheegay in dowladdu ay gacan ka siinayso shacabka ku nool gobollada dalka ee aanay maamulladu ka jirin sidii ay maamullo u sameysan lahaayeen.

“Shacabka ku nool deegaan walba oo Soomaaliya ka tirsan dowladdu diyaar ayay u tahay inay gacan ka siiso sidii ay maamullo ay ku kalsoon yihiin u soo dhisan lahaayeen, inta howshaas ay ka hirgalaysana maamullo KMG ah ayaa loo sameyn gobollada uu maamul sameyntoodu is-qabqabsiga ka jiro,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in howsha dowladdu ay tahay sidii ay u fududeyn lahayd maamul sameynta gobollada si shacabku ay iyagu u soo doortaan maamul ay ku kalsoon yihiin hoggaamintiisa.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay gacan ka geystaan sidii Xarkada Al-shabaab looga hortegi lahaa, isagoo xusay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay kooxdan ka saarto dalka oo dhan.

“Meel Al-shabaab joogo nabad kama jirto, waxaana shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay dowladda ka gacan-siiyaan sidii kooxdan dalka oo dhan looga saari lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka madaxweynaha Somalia ee ku aaddan maamulada KMG ah ee ay dowladdu u sameynayso gobolllada maamuml sameyntoodu isk-qabqabsiga ka taagan yahay ayaa imaanaya iyadoo dhowr jeer ay shirar iska soo horjeeda ka dhaceen magaalad Baydhabo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya