4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Turkiga oo beeniyay in uu Joojiyay Gargaarkii uu siin jiray Somalia


Isniin, Feberaayo 17, 2014 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa beenisay shalay inay jartay gargaarkii ay siin jirtay Soomaaliya, kaddib markii uu dhawaan uu soo baxay warka arrintan ku saabsan.

“Weli waan ka shaqeynaynaa Soomaaliya howsheennana kaalmada ahna way sii soconaysaa sannadkan 2014-ka, sidoo kale waxaan diyaar u nahay inaan caawinno dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda.

Sidoo kale, saraakiil Turki ah oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa sheegay in Turkiga uu jaray gargaarkii dhaqaale ee dalka Soomaaliya la siin jiray dhammaadkii sannadkii 2013-kii.

Gargaarka Turkiga ayaa ahaa mid si toos ah loo siin jiray dowladda Somalia si la isugu dayo in dib loo dhiso dalka kaddib 22-sano oo colaado sokeeye, sharci la’aan iyo fowdo ay ka jirtay.

Saraakiil Soomaali ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna qaar ka mid ah warbaahinta Turkiga u xaqiijiyay in Turkiga ay jareen gargaarkii dhaqaale ee ay tooska u siin jireen dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegatay in in Soomaaliya loo diray lacago kaash ah intii u dhexeysay bilihii Juun iyo December sannadkii hore 2013, kaddib  markii uu sidaas codsaday madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale, booqashadii ra’iisul wasaaraha Turkiga uu ku tagay sannadkii 2011-kii Muqdisho ay daaha ka rogtay taariikh cusub oo sababtay in shcabka Turkiga ay dadaal xooggan u galaan sidii ay u caawin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato ay ku habsatay.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga waxaa lagu sheegay in dowaldda iyo shacabka Turkigu ay sii wadi doonaan caawinta shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya