4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 16, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo booqasho rasmi ah ku tagay Jabuuti


Axad, Feberaayo 16, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, iyadoo garoonka ay kusoo dhaweeyay madax uu ka mid ahay ra’iisul wasaaraha Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed, wasiirka Arrimaha dibadda, Maxamud Cali Yusuf iyo xubno kale.

Booqashadan oo labo maalmood qaadan doonta ayaa ra’iiusl wasaaruhu wuxuu kula kulmi doonaa madaxda Jabuuti isagoo kala hadli doona xiriirka labada dal iyo doorka ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM.

“Aad baan ugu faraxsanahay booqashadan rasmiga ah ee aan ku imid dalka Jabuuti, waxyaabo badan ayaan ka wadahadli doonnaa oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal  ee walaalaha aan nahay iyo iskaashiyo kala duwan oo aan wadaagi doonno,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ra’iiusl wasaaraha Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri: “Labada maalmood ee soo socota waxyaabo badan oo danaha labada dal quseeya ayaan kawada hadli doonaa ra’iisul wasaaraha Somalia.”

Xubnaha booqashadan ku wehlinaya ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa waxaa ka mid ah: wasiirka arrimaha dibadda, C/raxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka warfaafintan Mustaf Dhuxulow, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Siciid Qoorsheel iyo Wasiiru-dowlaha gaashaandhigga, Maxamed Cali Xagaa.

Ra’iiusl wasaaraha ayaa saaka kasoo ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Jabuuti oo uu booqasho ku joogay saddexdii maalmood ee aynu kasoo gudbnay, waxaana soo sagootiyay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya