4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 16, 2014
C/weli Gaas oo Magacaabay wasiirka cusub ee warfaafinta Puntland

Axad, Feberaayo 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, boostada, Isgaarsiinta, hidaha iyo dhaqanka,waxaana uu wasiirkaan ka dhina xukuumaddi uu dhawaan soo magacaabay C/wali.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska madaxweynaha ayaa lugu shaaciyey wasiirkaa cusub ee wasaaradda,waxaana loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee Puntalnd Dr. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha-guran).

Wasiirka cusub waxaa uu horey u ahaa wasiirka shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland xukuumadii tan ka horaysay ee uu horkacayey  Cabdiraxmaan Faroole.

Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha-guran) ayaa qabanaya xilkii oo horey u hayey wasiirkii hore e warfaafinta Axmed Sheikh Jaamac.

Baarlamaanka ayaa la sheegay inay meel mariyeen wasiirkaan cusub ee warfaafinta iyo wasiiraka haweenka oo labada ka maqna fadhigii lugu meel marinayey wasiirradi hore.

Hoos ka akhriso digreetada madaxweyne Gaas uu ku magacaabay wasiirka cusub:

 

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya