4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 16, 2014
Burcad-badeed dalbaday in lagala wareego ajnabi ay mudo haysteen

Axad, Feberaayo 16, 2014 (HOL) — Sannado badan kaddib Burcad-badded Soomaali ah ayaa dalbaday in lagala wareego ajaanib ay muddo dheer afdub ahaan u haysteen,waxaana dalabkooda ay ku sababeeyn inay waayen  madax furashadii ay ka doonayeen.

Ajaanibta gacanta Burcad-baddedka ku jirtay mudada lugu sheegay saddex sanno ayaa waxaa ay u dhasheen dalka Thailand waxaana lugu sheegay tiro ahaan afar nin,waxaana xilligaan ay si cad u sheegen kooxdi haysatay  inay sii daynayaan raggaas,sida waxaa sheegay hoggaamiyaha kooxda haysata.

Nin u hadlay kooxda Burcad-baddeda ah ee raggan afdub ahaanta u haystay,waxaa uu sheegay in mudada dheered ee ay raggan heysten inaysan jirin cid la soo xiriirtay oo kala hadashey waxa ay raben,halka sidoo kale uu sheegay in xita ehelada raggan Thailand u dhashey  aysan la soo xariirin taaso dhalisay inay maanta dalbadan in lagala wareego.

"Ma jirin mudada raggaan an heynay cid nala soo xiriirtay,mana jirto cid na waydisay waxaan rabno,annagu ujeedkenu waxaa uu ahaa inan raggan madaxooda ku helo lacag balse taas ma dhiciin,maanta waxaan u la nahay tabar dhaqaale iyo mid daryeel intaba,waxaana dalbaneyna in si dhaqsa ah nalagala wareego raggan,annagoo  diyaar u ah in aan sii dayno dadkan si ay ula midoobaan qoysaskooda"ayuu yiri horjooge kooxda Burcad-baddeda Soomaalida u hadlay oo magaciisa ku sheegay Cabdi xasan.

Afartaan qof ayaa kooxdan Burca-baddeda ah waxaa ay kala hareen oo ay shaqaalo ka ahaayeen markabka MV Alberda oo ku degay xeebta degmada Xaradheere ee gobolka Mudug saddex sanno ka hor.

Hadalka ka soo baxay kooxda Burcad-baddeda ah waxaa uu imaanaya xilli sannado ka hor qooysaska ay raggaan ay u dhashen  kooxdan ka dalbadeen in loo soosidaayo wiilashooda,iyagoona xilligaan u sheegayey Burcad-baddeedan inaysan awoodin lacag ay ku soo furtan.

Waa markii ugu horreeysay oo koox Burcad-baddeed Soomaali ah ay codsadan in lagala wareego dad ay u haysteen madaxfurasho iyo inay lacag ku helaan.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya