4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 16, 2014
Jagooyin ka bannaan Wasaarada Arrimaha Gudaha SL oo 4-kun ay...

Axad, Feberaayo 16, 2014 (HOL) — Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale, ayaa sheegay in imtixaan loo gali lahaa 40 jago oo ka banaan wasaaradda arrimaha gudaha oo maanta la gali lahaa dib u dhac ku yimid ka dib markii dad faro badani soo xaraysteen CV-yadoodii.

40-kan boos ee ka banaan wasaarada arrimaha gudaha ayaa la sheegay in  ku dhow afar kun oo dhalinyaro shaqo doon ah soo xaraysteen CV-yadooda, iyagoo doonaya inay tartanka loogu jiro boosaska banaan ka qaybqaataan, isla markaana nasiibkooda ka qaadaan.

Buux dhaafa ku yimid dadka u tartamya jagooyinkaasi banaan ayaa la sheegay inay keentay inay dib u dhaco maalintii imtixaanka loo balansanaa oo maanta oo Sabti ahaa, isla markaana dib ugu dhacday maalmo ka dib oo ku beegan maalinta Isniinta ee toddobaadkan.

Guddoomiyaha  Hay’ada Shaqalaha  Dawlada Mr: Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay  In Dadka soo codsaday shaqooyinkan banaan gaadhayaan illaa afar kun oo qof, balse ay wasaaraddu u baahantahay uun afartan qof, Sidaa  Awgeedna Ay Hay’ada Shaqaalahu Ay Go’aan Satay  In ay Kala Saarto Shahadooyinka Iyo Dukmanteriyada  Ay Tirada  faro badani Soo Xeraysateen, isla markaana ay arrintaasi keentay dib u dhac kooban inuu ku yimaaddo maalintii la qaadi lahaa.

Guddoomiyaha ayaa cadeeyey in imtixaanka laqaadi doono maalinta  Isniinta ee bishu tahay 17 ka Febraayo, isagoo tartamayaasha u rajayey guul iyo nasiib wanaagsan, waxaanu xusay inuu imtixaankaasi ahaan doono mid cadaalad ku dhaco.

Si kastaba ha ahaatee,  shaqo yaraanta jirta awgeed, ayaa boosaska la soo xayeysiisey ku keentay inay dad aad u faro badani u soo tartamaan, taasina waxay iftiiminaysaa shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Somaliland iyo sida dhalinyaradda shaqo doonka ugu xoonsan yihiin goobaha ay jagooyin ka banaan yihiin.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland