4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2014
Madaarista xifdinta qur’aanka kariimka ee gobolka J/hoose oo ku midoobay dallad cusub
Sabti, February 15, 2014(HOL) :- Madaaarista lagu barto xifdinta qur’aanka kariimka ee gobolka J/hoose ayaa ku midoobay dallad cusuboo lagu magacaabo Dalladda barashada qur’aanka kariimka iyo sunnada nabiga, taasoo ay ku mideeysanyihiin in ka badan 800 oo madaraso.

Gudoomiyaha dalladan cusub ee ay ku midoobay madaarista lagu barto qur’aanka Sheekh Xuseen Max’ed Aadan ayaa sheegay in dalladan cusub ay tahay mid mideyn doonto dhamaan madaarista lagu barto qur’aanka ee gobolka J/hoose, wuxuuna xusay in ay wax badan ka qaban doonaan sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada diiniga ah ee Jubooyinka.

“Waxaan ugu baaqeynaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa iyo dhamaan dadka kheyrka jecel in ay gacan ka geystaan sidii loo caawin lahaa dallada iyo madaarista lagu barto diinta ee ku yaal Jubooyinka,” ayuu Sheekhu hadalkiisii raaciyay

Gudoomiye ku xigeenka dallada Sheekh Aadan Xiroow oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dalladan ay aasaaseen todobo bilood ka hor balse ay maanta si rasmi ah u dhameystireen maamulka dallada, wuxuuna xusay in ay ka shaqeyn doonaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen waxbarashada diiniga ah.

Dalladan cusub ee ay ku midoobeen madaarista xifdinta qur’aanka kariimka ee ka howlgasha gobolka J/hoose ayaa la filayaa in ay wax weyn ka tari doonto dhanka tayeynta iyo dhiirigelinta barashada qur’aanka kariimka iyo sunnada nabigeenna Muxamed (NNK).

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.