4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2014
Ra’iiusl Wasaaraha Somalia oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Itoobiya


Sabti, Febraayo,15, 2014 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ku maraya safar dalka Itoobiya ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay taliyaha ciidamada milateriga Itoobiya, Jen. Samora Muhammad Yunis, kaddibna wuxuu ra'iisul wasaaruhu booqasho ku tagay warshadda weyn ee dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Metal and Engineering corporation (METEC).

Kulanka ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha ciidamada xoogga Itoobiya ayay kaga hadleen xoojinta ammaanka iyo dib u xoraynta goobaha ay wali dalka kaga sugan tahay Al-shabaab, waxaana kulankan uu qayb ka yahay booqasho saddex maalmood ah oo uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku joogo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo wafdigiisu ay booqasho ku tageen mid ka mid ah xarumaha ay leedahay warshadda weyn ee dalka Ethiopia, taasoo qabata hawlo kala duwan oo ay ka mid yihiin samaynta qalabka baabuurta, baabuurta ciidamada iyo rasaasta.

Itoobiya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo dhawaan ka mid noqday kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana kulanka C/weli iyo Yunis diiradda lagu saaray sidii ciidamada Itoobiya ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen xal u helidda nabadgalyo xumada Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horay ula kulmay dhiggiisa dalka Itoobiya Hailemariam Desaleng iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Itoobiya ay qayb uga qaadan lahayd howlgallada lagu soo celinayo nabadda iyo deggenaashaha Soomaaliya, kaddib 23-sano oo colaado iyo dagaallo sokeeye ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya