4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2014
Kooxo hubeysan oo Maanta Askari ku dhex-toogtay Gaadiidka BL-ka

Sabti, Febraayo,15, 2014 (HOL) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu dhex toogtay mid ka mid ah gaadiidka kuwa dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka, kaasoo marayay meel ku dhow ex-koontarool Balcad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo kooxihii dilka geystay ay markiiba baxsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in askariga ayaa ka mid ahaa rakaab gaariga kasoo raacay Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid, iyadoo mar uu sii marayay gaariga meel ku dhow Isgoyska ex-kootarool Balcad ay labo dhallinyaro ah ku toogteen kursigii uu gaariga ka fadhiyay.

Rakaabkii saarnaa gaariga saarnaa ayaa kala cararay markii toogasho ay dhacday, waxaana qaarkood ay u sheegeen warbaahinta in dhallinyada wax toogtay ay ku hubeysnaayeen bastoolado ayna ka qaateen ruuxii askariga ahaa ee ay dileen qorigii uu watay oo noociisu ahaa AK-47.

"Gaari aan la socday ayaa lagu dhex-toogtay askari, dhammaan dadkii gaariga saarnaa iyo darawalkii waday si dhaqso ah ayaan gaariga uga dagnay waana cararnay si aysan dhibaato noosoo gaarin," ayuu yiri mid ka mid ah rakaabkii gaariga la socday oo warbaahinta la hadlay.

Dilkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo Muqdisho ka dhaca tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxeen guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ay si caadi ah gaadiidka rakaabka u raacaan iyagoo hubeysan.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka askariga loogu dhex-geystay gaariga BL-ka ah iyadoo sidoo kale aysan weli ka hadlin hay'adaha ammaanka ee dowladda dhacdadan ku cusub magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya