4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2014
Khilaafkii Golaha Wakiillada Somaliland oo Xal laga Gaari Waayay
Sabti, Febraayo,15, 2014 (HOL) – labaddii guddi ee kala matalayey gudoomiyaha golaha Wakiilada iyo labadda gudoomiye ku xigeen ee khilaafka ka dhexeeyey ayaa maanta si rasmi u dhowaaqay inay isku mari waayeen qodobadii ay isku hayeen, isla markaana ay ku wareejiyeen xal u helida khilaafkan golaha Guurtidda.

Labadan  guddi ayaa ka koobnaa min toddoba xildhibaan oo ay ka soo kala jeedeen dhinacyadii golaha isku hayey, waxaana kala hogaaminayey xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ku hadlayey afka xildhibaanada taageersan gudoomiyaha golaha, iyo Xildhibaan Cabdiramaan Caalim (Cabdiraxmaan Dheere) oo isna ku hadlayey afka xildhibaanadda muxaafadka ah., waxaanay sheegeen inay labadan gudoomiye ay dhex dhexaad ka ahaayeen doodda dhex taagnayd labaddan guddi, isla markaana ay mar kasta isku dayeyeen inay dhex dhexaadiyaan, haseyeeshee ay labadda dhinac midkoodna wax tanaasul ah aanay ku kicin.

“waxaanu ahayn laba guddi oo loo saaray xal u helida khilaafka, waxaana guddiyadani kala taageersanayd laba aragti ee iska soo horjeedday, waxaana la isku mari waayey qodobada qaar waxaana isla garanay in loo gudbiyo golaha Guurtidda si ay arrintaasi xal uga gaadhaan”ayuu yidhi cabdiraxmaan dheere oo hogaaminayey guddida garabka muxaafadka ah ee tageersan labadda gudoomiye ku xigeen.

“labadda gudoomiye ee guddidan xal u helidda khilaafka waxaanu isku dayeynay in aanu golaha xal u helno, nasiib daro labada dhinacba waxay isku mari waayeen qodobada qaar taasina waxay keentay in golaha guurtida ku wareejino, inkastoo aanu doonaynay in aanay cidi na soo dhexgalin hadana waxay ka fursan wayday in golaha guurtida oo u xil saaran khilaafyada wadanka ka dhaca”ayuu yidhi xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah garabka mucaarad oo gudoomiye u ahaa guddidda garabka Cirro.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno ka mid ah labadad garab ee ku heshiin waayey xal u helidda khilaafka,waxaana halkaasi ka hadlay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka soo jeeda xisbiga kulmiye balse taageersan gudoomiyaha golaha Wakiiladda, ayaa sheegay in garabka kale laga soo xukumayo madaxtooyadda, isla markaana wax tanaasul ah laga waayey.

“waxaanu usoo bandhigay sadex qodob  oo kala ah in shirgudoonka laga wada dhigo qodobka xeer hoosaadka ee lagu ridi karo in laga dhigo 55 cod, in fasax la galo oo dib la iskugu soo noqdo maadaama oo fasaxa goluhu ku eegyahay maalinta salaasadda iyo in golaha guurtida lagu celiyo, intaaba way diideen waxayse ogolaadeen qodobka sadaxaad ee ah in golaha guurtidda lagu celiyo, anagu waxaanu doonaynay in goluhu isagu is xaliyo nasiib daro waxay doorteen inay ceebta golaha dibadda soo dhigaan waxayna u eekaayeen koox laga soo hagayo dhinaca xukuumadda”ayuu yidhi Siciid Cilmi Roobe.

Haseyeeshee arrintaas uu ku dooday xildhibaanku waxa soo horjeestay xildhinaan Garyaqaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan garabka muxaafadka ah, waxaanu yidhi “Anagu waxaanu soo jeedinay maadaama oo xeer hoosaadka laga dhigay in labadda gudoomiye ku xigeen lagu rido 42 cod in gudoomiyaha laga dhigo intaas, maadaama oo ay isku shirgudoon yihiin, haseyeeshee qolada kale way diideen waxay la soo taagan yihiin waa go’aan gole, markii aanu is mari waynay ayey noqotay in golaha guurtidda lagu kalsoonaado go’aankooda”.

Si kastaba ha ahaatee, guddidan ayaa ka koobnayd 14 xildhibaan, kuwaas oo ay soo kala xuleen gudoomiyaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro iyo gudoomiye ku xigeenka Baashe Maxamed Faarax oo sal u ah khilaafka golaha ka jira, waxaanay xubnihii golaha guurtidda ee khilaafka soo dhexgalay ka codsadeen in loo daayo labadoodan garab si ay xal usoo wada gaadhaan, hadii ay xal gaadhi waayaana golaha guurtidda lagu soo celin doono, waxaanay muddo lix cisho ay ka doodayeen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka golaha ka aloosan, isla markaana wax ku heshiiyaan, haseyeeshee labadii dhinacba way ku heshiin waayeen qodobadii la isku hayey, taas ayaa keentay inay ku wareejiyaan golaha guurtidda, iyado guurtida laga war sugayo go’aankay ku dhawaaqi doonaan maalmaha soo socda.

labada garab ayaa mid waliba ku doodayaa in laga gardaran yahay, halka xildhibaanda muxaafadka ahi ku garnaqsanayaan inay ogolaadeen gudoomiye Cirro in isagoo gudoomiye xisbi mucaarad ah uu hogaamiyo golaha Wakiilada, balse aanay doonayn inay ridaan, laakiinse ay ka xun yihiin in shirgudoonka la kala saraysiiyo oo midna 42 cod lagu rido midna 55 cod lagu rido, halka kooxda kale mucaaradkani ku doodayaan inay qalalaasaha golaha ka jira ay xaga dambe ka hagayaan xukuumadda, isla markaana awooddii xukuumadda u adeegsanayaan, taasina ay ceeb ku tahay milgihii golaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland