4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2014
Midowga Afrika oo ballaariyay Howl-gallada AMISOM ee Soomaaliya

Sabti, Febaraayo 15, 2014 (HOL) -- Howlgallada AMISOM ayaa bilowday sideed sano ka hor markaasoo dalka Soomaaliya ay ku xooganayeen kooxaha Islaamiyiinta ah oo inta badan maamulayay koonfurta iyo bartamaha dalka ,iyaga oo meelaha qaar ku soo rogay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Waqtigaas waxaa jirtay digniinno ay beesha caalamka ka muujinaysay kooxaha argagaxisada ah ,kuwaasi oo hanjabaado badan ugu dirayay si joogta ah wadamada dariska ah oo ay ugu soo horeyso Itoobiya.

Inkastoo caqabado badan oo dhinaca amniga ah ay dalka ka jireen hadana Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa isla qaatay in laga hortago qataraha ka imaan kara kooxaha argagaxasida ah.

Tirada guud ee ciidamada AMISOM markii hore waxey ahayd 17,700 oo askari balse hadda waa la balaariyay oo waxaa laga dhigay 25,183 askari oo ay ku jiraan 540-askari oo ah boliska AMISOM ah looguna tala galay in dhinacyo badan ka taageeraan ciidamada dowladda.

Howl-galka AMISOM ayaa bilo ka hor ku shaqaynayay qaabka ka duwan sida uu hadda yahay ,isagoo u qaybsanaa afar qaybood oo muhiim ah oo loogu tala-galay in ay u dhacaan howl-galladu, iyadoo min laba dowladood masuul looga dhigay gobollada ay amnigooda sugayaan.

Gobollada kala ah Shabeelada Hoose ,Shabeelada Dhex iyo waliba gobolka Banaadir ,waxaa masuuliyadooda hayay xiligaas dowladda Uganda oo taageera ballaaran waqtigaas ka helaysay ciidamada kale ee Burundi.

Si lamid ah gobollada Jubbada Dhexe,Jubadda Hoose,iyo waliba gobolka Gedo, waxaa iyagana masuuliyadooda hayay dowladda Kenya oo iyadana ay wada shaqaynayeen dowladda Sera-leone oo kamid ah AMISOM,halka gobollada Bay iyo Bakool iyagana ay gacanta ku haysay dolwadda Burundi oo ay kaabayeen kuwa Uganda.

Gobollada kala ah Hiiraan iyo Gal-gaduud waxaa si madax banaan gacanta ugu haysay dowladda Jabuuti oo ciidamo tiro ah ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxaana tan iyo intii gobolladaas loo dhiibay ay meelo badan ka xoreeyeen Ururka Al-shabaab.

Sida laga wada war-hayo AMISOM ,waxaa ku so biiray ciidamada Itoobiya oo horey ugu sugnaa qaybo kamid ah gobollada xadka la leh wadankaas, isla markaana inta badan iska caabin xoog leh kala kulmi jiray kooxo ay Al-shabaab hormuud u tahay.

Maadaama isbadal uu dhacay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa isla gartay in la ballaariyo howl-galkan si loo yareeyo saamaynta ka imaan karta Al-shabaab ,maadaama ay falal aragagaxiso ka fuliyeen wadamada dariska la ah Soomaaliya,iyadoo tirada howlgalka intii hore laga balaariyay oo lagana dhigay lix -qaybood ama lix Sector.

Sector 1: Gobolka Banaadir iyo Shabeelada Hoose ,waxaa howlgalladooda hormuud looga dhigay dowladda Uganda ,iyadoo saktarka labaad ee gobolada kala ah labada Jubba iyo Gedo la loo daayay sidiisi hore.

Sectore 3: gobollada kala ah Bay iyo Bakaal ayaa hoos tagi doona dowladda Itoobiya oo iyadu ku cusub howl-galkan AMISOM, markii ugu horeysay muddo laga joogo dhowr sanadood oo Koonfurta Soomaaliya ay kula dagaallameen kooxihii Maxkamdaha.

Sector 4: oo kala ah gobollada Hiiraan iyo Gal-gaduud,waxaa masuuliyadooda iminka lagu wareejiyay dowladda Jabuuti oo taageero dheeri ah ka helaysa ciidamada Itoobiya ee ku sugan Bay iyo Bakool.

Sectore 5:waxaa xarun u noqon doonta magaalada Kismaayo oo la geeyay ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira wadamo kala duwan oo howl-galkan kujira sida lagu saxiixay shirkii TTC Summit ee sanadkii hore lagu qabtay magaalada Kampala.

Sector 6:waa gobollada Jubbooyinka iyo qayb kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ,waxaana la hoos geeyay dowladda Burundi oo 500- oo askari ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ,isla markaana fududeyn doona isbadallada la sameeyay.

Xeer hoosaadka Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2124 UN resolation ayaa lagu go'aamiyay in la kordhiyay tirada AMISOM iyo in dowladda Soomaaliya laga gacan siiyo dhinacyo ay kamid yiiin tababaridda laamaha dowladda.

"Labada bilood ee soo socota waxaa ciidamada AMISOM ay qaadi doonaan howl-galo muhiim ah oo looga hortagayo Al-shabaab,waana la weerari doonaa xarumaha ay wali kaga suganyihiin gudaha dalka "ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo la hadlayay HOL.

Ugu danbayntii howl-gallada AMISOM ee Soomaliya waxaa ku dhintay askar gaaraysa 3,000 oo askari waana tira ka badan inta ciidamada nabad sugidda ee Qaramada Midoobay kaga geeriyootay dhamaan howl-galladii ay ka fuliyeen meelo kala duwan oo caalamka ah.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]