4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2014
Ciidanka Itoobiya oo la Wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Bay

Sabti, Febaraayo 15, 2014 (HOL) -- Wararka laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay la wareegeen deegaanno ka tirsan degmada Bardaale.

Deegaannada ay ciidamadan la wareegeen ayaa la sheegay inay ka talin jirtay Al-shabaab, inkastoo aysan weli ka hadlin Al-shabaab deegaannada lagala wareegay, waxaase dadka ku nool degmada Bardaale ay u sheegeen warbaahinta in cidamada Itoobiya ay isku ballaariyeen deegaanno ku dhow degmadaas.

"Ciidamada Itoobiya waxay maanta la wareegeen deegaanno ka tirsan degmada Bardaale ee gobolka Bay, halkaasoo ay ka talin jirtay Al-shabaab, ma jiro wax iska-caabin ah oo ay la kulmeen," sidaa waxaa sheegay mid ka mid ah mas'uuliyiinta dowladda ee gobolka Bay.

Sidoo kale, mas'uulku wuxuu sheegay in howlgalladan ay qayb ka yihiin kuwo ay doonayaan inay kooxda Al-shabaab kaga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Bay, waxaana howlgalladan ay kusoo beegmayaa xilli ciidamada dowladda ay bishii hore ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Bakool ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa dowladda ay billaabeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inay Al-shabaab kaga saaraan deegaanno ay ka mid tahay degmada Xudur.

Ciidamadan ayuu sheegay inay ku wajahan yihiin degmada xarunta ah ee gobolka Bakool, halkaasoo lasoo sheegayo inay xoogaggii Al-shabaab isaga baxeen, waxaana dhawaanan gobollada Bakool, Gedo iyo Bay gaarayay ciidammo fara badan oo Itoobiyaan ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhawaan sheegtay inay iska difaacayso dagaal walba oo kaga yimaada ciidanka Itoobiya ee ka mid noqday AMISOM, iyagoo shacabka deegaannada ay maamulaanna ugu baaqay inay ka qaybqaataan dagaalladaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdsiho, Soomaaliya