4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2014
Dowladda Somalia oo Sheegtay inaan hub lagu wareejin Al-Shabaab
Sabti, Febaraayo 15, 2014 (HOL) — Taliska ciidanka milateriga Somalia ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku qanceen qaabka loo maamulayo hubka ay ku taageereen Soomaaliya wixii ka dambayaay markii Soomaaliya laga qafiifiyay cunno-qabatayntii hubka ee saarnayd muddada dheer.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi oo ka hadlayay arrinta ku saabsan warbixin hordhac u ahayd oo kooxda la socodka cunno-qabateynta hubka Soomaaliya iyo Eretria oo sheegeysay in hubka dowladda mararka qaar suuqyada lagu iibiyo, taasina ay sababto inuu hubkaasi  gacanta u galo kooxaha dowladda kasoo horjeeda sida Al-shabaab ayaa sheegay in bakhaarrada hubka ee Soomaaliya ammaan ahaan ay aad u sugan yihiin.

"Hubka dowladda la siiyo waxay ku jiraan bakhaaro aad ammaankooda loo adkeeyay mana dhacayso inay la baxaan kooxo doonaya inay ka ganacsadaan ama ay u gacan-geliyaan Al-shabaab," ayuu yiri taliyaha oo la hadlyay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in qubaro ka socotay Golaha Ammaanka ay yimaadeen  Muqdisho isla markaana ay u kuur-galeen xaaladda bakhaarrada hubka, iyagoo kontrool ku sameeyeen dhammaan hubka  ku jira bakhaaradaas.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu xusay inay sharaxaad ka siiyeen guddigan ka socday Qaramada Midoobay hubka ku jira bakhaaraha inta ka maqan qaabka ay ku baxeen iyo saxiixa markii hore uu hubkaasi kusoo galay.

Hadalka taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa loo arkaa inuu meesha ka saaraya wararka ku saabsanaa in hubka dowladda u gacanta u galo kooxda Al-shabaab oo uu ku sheegay inay tahay koox kasoo horjeedda nabadda Soomaaliya.

Warbixin ay soo saareen guddiga daba-galka cunno-qabteynta hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ay hub ku wareejiyeen sarkaal lagu magacaabo Sheekh Yuusuf Kaba-kutude oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya