4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2014
Cunno-qabateynta Hubka Soomaaliya oo la Dalbaday in la Adkeeyo

Sabti, Febaraayo 15, 2014 (HOL) — Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eratria ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka in si buuxda loogu soo rogay Soomaaliya cunnoi-qabateynta hubka ee sannadkii hore laga qafiifiyay, kaddib markii dhawaan ay soo shaac baxday in dowladda Somalia ay hub kala duwan ka iibisay Al-shabaab.

Guddiga ayaa soo bandhigay dhowr hab oo lagu xakamayn karo hubka galaya Soomaaliya kuna dhacaya gacmaha qaldan, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in lagu soo rogo cunno-qabateynta hubka Soomaaliya si buuxda ama loo helo nidaamyo iyo tallaabooyin adag oo lagu xakamaynayo laguna soconayo cida uu gacanta u galayo hubkaaas.

Dhawaan ayay ahayd markii guddiga dabagalka cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eratria ay ku eedeeyeen dowladda Xasan Sheekh Maxmuud in hubka ay kasoo gadato dalalka Caalamka ay gacanta u galiso xarakada Al-shabaab, qaarna ku iibiso suuqyada Muqdisho.

Golaha Ammaanka ayaa cunno-qabateynta hubka kusoo rogtay Soomaaliya sannadii 1992-kii si loo joojiyo hubka faraha badan ee galayay Soomaaliya, kuwaasoo gacanta u galayay beelo dagaalamaya.

Lama oga sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga jawaabi doono dalabkan kooxdan uga yimid, iyadoo sidoo kale ay dowladda Soomaaliya beeninayso warbixinta kooxdan ay soo saartay, iyadoo ku tilmaantay in la been abuuray oo aan laga fiirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya