4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2014
Ciidamada Somaliland oo qabsaday Deegaanno ka tirsan Gobolka Sool

Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Deegaanno ka tirsan gobolka Sool ayaa la sheegayaa in xilligan gacanta ay u galeen ciidammo ka tirsan Somaliland, waxaana ciidamadan maalmahan ay dhaq-dhaaqyo ka wadeey gobollada Sool iyo Cayn.

Dhowr guuto oo ciidamada Somaliland ka tirsan ayaa xilligan ku sugan deegaanka Kalabayr oo 28-km koonfur galbeed kaga beegan degmada Laascaanod, guddoomiyaha gobolka Sool ugu magacaaban Puntland arrintan xaqiijiyey.

Axmed Ibraahim Faarax (Faracade), wuxuu sheegay in ciidammo ka socda Somaliland ay si buuxda ula wareegen deegaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Kalabaydh, Karin Dabayl Wayn, Dharkeyn Geenyo iyo tuulooyin kale oo dhammaantod kawada tirsan gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland wuxuu uu intaas ku daray in ciidamada xilligan isku ballaariyay deegaannada ay yihiin ciidammo si weyn u xooggan oo ka yimid magaalada Hargeysa.

"Ma ahaa wax cusub in ciidammo Somaliland ka tirsan ay qabsadaan deegaanno gobolka Sool ka tirsan horay Laascaanood ayaa gacantooda ugu jirtay, xilligan waxaan idiin xaqiijinaynaa in ciidammo si weyn u hubaysan ay la wareegen deegaanno gobolka Sool ka tirsan," ayuu yiri Axmed Faracade.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay mas'uulkan in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaannada xilligan ciidamada Somaliland ay soo gaareen, isagoo sheegay inay si nabad ah ula wareegen oo aysan la kulmin wax iska caabin ah.

Qabsashada deegaanada cusub ayuu ku sheegay guddoomiyuhu Axmed Fara-cadde mid gar-darro ah oo ay Somaliland ku dan-daansanayso Puntland.

Dhinaca kale, Axmed Ibraahim wuxuu beeniyey warar soo baxayay oo sheegay in ciidammo ka tirsan Somaliland ay madaxweyne xigeenka Puntland, C/xakiim Cabdulaahi (Camey) ka hor-istaageen safar uu ku tagi laha degmada Buuhoodle oo deegaan ahaan uu kasoo jeedo.

Puntland iyo Somaliland waxay ku muransan yihiin maamulka gobolka Sool iyo deegaanno ka tirsan, waxaana labada dhinac ay sheegtaan in maamulidda deegaannadaas ay iyagu leeyihiin.

Dhaq-dhaaqyada cusub ee ciidamada Somaliland ayaa ka dhigaysa mid soo cusbooneyn karta xiisada labada maamul u dhexeysa ee ku aaddan maamulidda gobollada ay isku haystaan.

Ma jiro wali wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda sare ee Puntland iyo Somaliland, lamana garan karo jawaabta ay bixin doonto Puntland maadaama deegaanno cusub ay qabsadeen ciidanka Somaliland.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya