4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2014
Ciidamada Itoobiya ah ee AMISOM oo Gaaray Beledweyne (SAWIRRO)


Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Cutubkii ugu horeeyay ciidammada dowladda Itoobiya ee qeybta ka noqonaya howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay horay ugu sugnaayeen kumanaan ka tirsan ciidamada Itoobiya.

Ciidamadan oo rasmi ahaan aan la shaacin tiradooda ayaa ku socday gadiid ay lagu asteeyay calaamada AU-da, taasoo muujineysa in ay qayb ka yihiin howlgalka midowgga Africa ee AMISOM.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka, laakiin waxaa muuqata in ay socto qaban-qaabada muanaasabad ballaaran oo la doonayo in lagu shaaciyo ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ee howlgalka midowgga Africa.

Horay waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa ilaa 1000 askari oo tirsan AMISOM kana socda dalka Jabuuti, marka laga soo tago ciidamada Itoobiya ee horay u joogay magaalada kuwaa oo ka gacan siinayay ciidamada dowladda iyo kuwa kuwa Jabuuti dagaallka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa su'aalo iska weydiinaya waxay ku soo kordhin karaan ciidamada Itoobiya howlgalka AMISOM iyo dagaallka lagula jiro Al-shabaab oo hadda gacanta ku haya maamulka dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Horaantii sanadkan ayeey aheyd markii ciidamada Itoobiya ee ka howlgala magaalada Baydhabo si rasmi ah ugu biireeen howlgalka midowgga Africa, iyaga oo xirtay caalamada AU-da, waxaana ay oo durbaba dhaq-dhaqaaqyo militari ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Bay.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya