4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2014
Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya oo aan wareysi khaas ah la yeelannay


Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa HOL uga waramay howl-gallada AMISOM ee iminka ka soconaya qyabo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kaasoo is-badal lagu sameeyay sida uu xusay masuulkan.

"Labada bilood ee soo socota waxaa ciidamada AMISOM ay qaadi doonaan howl-galo muhiim ah oo looga hortagayo Al-shabaab,waana la weerari doonaa xarumaha ay wali kaga suganyihiin gudaha dalka "ayuu yiri Annadif oo aan weydiiyay sida uu noqon doono howl-galladooda waqtiyada soo socda.

Waxaa kaloo uu sheegay ergaygan in weerarada ay qaadayso AMISOM ay hormuud ka noqon doonaan ciidamada xoogga dalka Somaaliya, isagoo tilmaamay in wax laga badalay istiraatiijayadii dagaalka ee AMISOM oo markii hore aheyd is -difaacid balse hadda laga dhigay weerarro lagu qaadayo kooxaha aragaxisada ah.

Mar uu ka hadlayay ku biiritaanka Itoobiya ee ciidamadooda ayuu sheegay in tani ay qayb ka tahay ballaarinta howlgal-kooda oo muddo sanado ah soo socday, isagoo xusay in la gaaray xilligii dalka oo dhan laga xorayn lahaa Al-shabaab.

"Waxey caawin doonaan ciidamada AMISOM si loo hubiyo horumarka laga gaaray dhinaca howl-gallada iyo waliba nabad sugidda goobaha ay dalka kaga suganyihiin," ayuu mar kale xusay masuulkan oo ku dheeraaday arimaha howl-galkooda.

Hadafka guud ee AMISOM maloo qaadan karaa inuu yahay mid Milatari oo kaliya ?

"Howl-galkan ma ahan mid Milatari oo kaliya ee waxaa ku jira xasilinta wadanka oo dhan ,xalinta khilaafaadyada dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada hadiiba uu soo if-baxo iyo ka hortagidda dagaallada ka dhex dhesha qabaa'illada Soomaaliya "ayuu kaga jawaabay

Maxamed Saalax Annadif ayaaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya loo qorsheeyay sidii loogu tababari lahaa ciidamo gaarayo 10,000 oo askari, kuwaasi oo ka howl-gali doona qaybo kamid ah gudaha dalka, isla markaana ay u dhamaystiranyihiin xuquuqda ay u baahanyihiin oo ay ku jirto mushaarkooda oo si joogta ah ay u heli doonaan.

Ugu danbayntii Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si joogta ah u bixin doona taageerada la siinayo dowladda Soomaaliya ee ku aadan in dib loo xoreeyo magaalooyin dhowr ah oo ay Al-shabaab ka arimiyaan waqti xaadirkan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]