4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2014
AMISOM iyo Al-shabaab oo xalay ku Dagaallamay Degmada Mahadaay

Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab ayaa xalay ku dagaalamay degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kuwaasoo laga maqlayay deegaano ka tirsan gobolka.

Al-shabaab ayaa la sheegay inay dhowr jiho kasoo weerartay degmada Mahadaay, halkaasoo dhawaan fariisimo cusub ay ka sameysteen qaar ka mid ah ciidamada AMISOM, kaddib markii Al-shabaab ay bishii hore la wareegeen degmada muddo kooban.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ka dhashayeen khasaare kala duwan, inkastoo aan si rasmi loo ogaan karin, waxaana xaaladda degmada saaka ay tahay mid daggan.

Degmada Jowhar ee xarunta gobolka gobolka Shabeellada Hoose oo u jirta degmada Mahdaay 30-km ayaa laga maqlayay madaafiicdii ay dhinacyadu u adeegsanayeen dagaalka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa u sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus oo cabsi weyn ku reebay dadka, iyadoo dagaalka uu soo gaaray saakay aroortii hore.

Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe, kan degmada iyo AMISOM kama aysan hadlin dagaalkii xalay ka dhacay degmada Mahdaaay ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ah goobaha ay ka taliso dowladda Somalia.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Al-shabaab ay bishii hore ka la wareegtay degmada Mahadaay, iyagoo degmada saacado badan ku hayay gacanta, kana watay gaadiid dagaal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya