4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2014
Hanti-dhowrka iyo Xisaabiyaha Dowladda Soomaaliya oo la Magacaabay

Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa magacowday Hanti-dhowrka iyo Xisaabiyaha guud ee dowladda Somalia, iyadoo labadan mas'uul lagu magacaabay kulan ay golaha wasiirradu yeesheen Khamiistii shalay ahayd.

Hanti-dhowrka guud ee dowladda ayaa waxaa loo magacabay, Dr. Nuur Faarax , iyadoo Cabdiweli Axmed isna loo magacaabay inuu noqdo xisaabiyaha guud ee dowladda.

Sidoo kale, afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji Cabdi-weli ayaa u sheegay warbaahinta kulanka kaddib in in golaha wasiiradu ay warbino la xariira qorshe howleeda qaar ka mid ah wasaaraddaha xukuumada, oo ay ka mid ahaayeen wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, wasaaradda Duulista Hawada iyo wasaaraddo kale.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa lagu dhageystay wabixin ku saabsan ammaanka dalka, gaar ahaan Muqdisho oo ay maalmahan ka dhacayeen falal ammaan-darro.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Addis Ababa ee waddanka Itoobiya halkaasoo ay kulamo kula yeelan doonaan madaxda ugu sarreysa dalkaasi.

Xubnaha wafdiga oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda iyadoo la filayo in wafdigan ay u sii gudbaan dalka Jabuuti halkaasoo ay kulan kula qaadan doonaan madaxda dalkaasi.

Safarka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu ugu ambabaxay Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu dalka uga ambabaxo tan iyo markii xilka loo magaacaabay dhammaadkii sannadkii hore ee 2013.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya