4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2014
TURKIGA: "Waan Joojinay Dhaqaalihii aan Tooska u siin jirnay Somalia"
Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa joojisey dhaqaalihii ay sida tooska ah u siin jirtey dalka Soomaaliya, dhaqaalahaas oo badankiisa lagu bixin jirey gargaarka bini aadamtinimada iyo weliba mashaariicda dhanka horumarinta la xiriira.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa mas'uul aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, ayaa qortay in Turkigu dhamaadka sannadkii hore ee 2013 uu joojiyey dhaqaalihii tooska ahaa ee uu siin jirey Soomaaliya.

Sarkaalkan oo la weydiiyey inay jiraan wada-hadallo u socda labada dhinac oo ku aaddan sidii sanadkan 2014 dib loogu bilaabi lahaa dhaqaalihii Turkiga sida tooska ah u siin jirey Soomaaliya iyo in kale, wuxuu ku jawaabay " xilligan taas wax ku tala gal ah kama lihin, qorshahana nooguma jirto"

Sidoo kale mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey warka sheegaya in Turkigu uu joojiyey deeqihii lacageed ee Soomaaliya uu ku kaabi jirey, inkastoo ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in dib mar kale bixintooda uu Turkigu u bilaabo.

Ma cadda xaddiga ay leekayd lacagta ay sannad walba xukuumadda Ankara caddaan ahaan u siin jirtey Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, haseyeeshe C/salaam Cumar Hadliye oo ah guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in muddadii uu xilkaas hayey ay bil walba bankiga dhexe kusoo dhici jirtey lacag dhan $4.5 milyan oo dowladda Turkigu ay ku deeqday.

Dhanka kale, mas'uuliyiin ka tirsan hay'adda dalka Turkiga u qaabilsan gargaarka dibadda ee magaceeda loosoo gaabiya (TIKA), ayaa sheegay in arrintani aysan saameyn ku yeelan doonin howlihii samafalka ahaa ee ay hay'addaasi gudaha Soomaaliya ka waddey.

Turkiga oo qaybta ugu weyn ka qaatay gurmadka abaarihii Soomaaliya ku dhuftay sanadkii 2011, wuxuu Soomaaliya ka hirgeliyey mashaariic horumarineed badan, wuxuu sidoo kale dhisay goobo waxbarasho, isbitaallo; iyo weliba dayactir lagu sameeyey xarumaha dowladda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha gaar ahaan qaar kamid ah jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Xigasho: Reuters

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiran Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya