4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2014
Ra'iisul Wasaare C/weli iyo wafdi uu Horkacayo oo Addis Ababa Gaaray
Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay gaarey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Wafdiga ra'iisul wasaaraha oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha xukuumadda, waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa.

Booqashada ra'iisul wasaare C/weli ee dalka Itoobiya waxaa ku weheliya wasiirka arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka warfaafinta Mustaf Dhuxulow, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Siciid Maxamed Qoorsheel, wasiiru-dowlaha gaashaan-dhigga  Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale.

Ra'isul wasaaraha oo markii wafdiga uu hoggaaminayaa ay Addis Ababa gaareen si kooban warbaahinta ula hadlay, ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaalka ay xilligan dalka Itoobiya ku tageen.

Wuxuuna sheegay in madaxda dalka Itoobiya ay kala hadli doonaan arrimo badan oo ay qayb ka tahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal. Mudane C/weli oo taas sharraxaya waxaa hadalladiisii kamid ahaa:

"Socdaalkan aan kusoo gaarnay dalka Ethiopia waa mid aan ku xoojinayno xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaan iska kaashan doonnaa arrimo ay kamid yihiin amniga iyo la-dagaalanka xagjirka khatarta ku ah guud ahaan gobolka, waxaa kaloo aan iska kaashan doonnaa arrimaha kale ee siyaasadda iyo dhqaalahu ay kamidka yihiin"

Booqashadan ayaa kusoo aadeysa saddex toddobaad kaddib markii ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa gudaha Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqdeen howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdigiisu waxay maanta oo Jimce ah kulammo gooni gooni ah la yeelan doonaan mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowladda Itoobiya, gaar ahaan Ra'iisul wasaare Hailemariam Desalegn.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya