4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2014
Magaalada Baydhabo oo bandow habeenkii ah lagu soo rogay

Khamiis, Febaraayo 13, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee caasimadda gobolka Bay ayaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah, kaasi oo billaabanaya 6-da maqribnimo, kuna eg 6-da aroornimo. Guud ahaan dadka ku nool magaalada Baydhabo ayaa loo sheegay in xilliga bandowga uu billowdo aanan lagu arki karin gudaha magaalada qof socda ama gaadiid wata iyo goob ganacsi oo furan toona.

Bandowgan ayaa magaalada lagu soo rogay xilli ay magaalada la ciir-ciireyso ergooyin ka qeybgelaya shirar is-dhinac socda oo mid lagu dhisayo maamul goboleed ka kooban 3 kooban, halkan shirka kalena lagu dhisayo maamul goboleed ka kooban 6 gobol. Labada shirba waxay ku dhow yihiin gebagebo.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bay Col Mahad C/raxmaan oo qalabka warbaahinta kala hadlay dadka ku nool Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ciddii jebisa bandowga laga qaadi doono tallaabo sharci ah, loona aqoonsan doono in ay nabadgelyada lid ku tahay.

Dhanka kalena, Bandowgan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ay ciidamada Itoobiya ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Xoogagga Al-shabaab, waxayna wararku sheegayaan in ay suurtagal tahay in ciidamada Itoobiya oo dhawaan ku biiray Ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka u jooga dalka Soomaaliya ay tagaan Degmooyinka Xudur, Waajid, Diinsoor iyo Baardheere oo ka tirsan seddexda gobol ee aan soo sheegnay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo bandow habeenkii ah lagu soo rogo dadka ku nool magaalada Baydhabo, horay ayayna u soo mareen bandow sidan oo kale xilliyo kala duwan.

Hiiraan Online, Baydhabo