4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2014
Hay'adda HRW oo sheegtay in Kufsiga uu caadi ka yahay Soomaaliya

Khamiis, Febaraayo 13, 2014 (HOL) — Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Khamiis ah ku sheegtay in kufsiga lagula kaco dumarka uu weli caadi ka yahay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Warbixintan oo ka koobnayd 72 bog looguna magac-daray "Halkan, kufsigu waa iska caadi" ayay hay’addu ugu hadashay xad-gudubyada dhanka galmada ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo sannadkii 2012-kii. Hay’adda ayaa warbixinta kusoo bandhigtay sidii lagu joojin lahaa kufsiga ka dhaca Soomaaliya.

HRW ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay howlgeliso booliis karti iyo awood u leh wax ka qabadka falalka uu ka mid yahay kufsiga lagula kaco haweenka ku nool Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha dadka soo barakacay.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa BBC-da u sheegtay in tacadiyadas laga dhaxlay burburkii uu dalka soo maray labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Kufsiga ayaa la sheegayaa inuu aad ugu batay dalka Soomaaliya sannadkii ugu dambeeyay, iyadoo la xusay in dumarka aanay xitaa ka hadlin arrimahaasi sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan in bulshada dhexdeeda lagu ceebeeyo ama la faquuqo iyo weliba iyadoo aysan jirin maxkamado ku habboon oo arrintaasi wax ka qaban kara.

Sidoo kale, warbixinta ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin muhiim ah oo wax lagaga qabanayo tacadiyada dhanka galmada ah ee ka dhanka ah dumarka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha iyo kuwa kale ee u nugul in kufsi lagula dhaqaaqo.

Waxaa kaloo la sheegay inaysan jirin goobo caafimaad oo daryeela dumarka ay soo wajahaan xaaladaha noocaasi ah. Saddex bilood ka hor waxaa Muqdisho lagu xiray gabar sheegtay in la kufsaday iyo weriye arrintaas ka hadlay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya