4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2014
Qarax Is-miidaamin ah oo Lagu Weeraray Baabuur ay Leedahay Q/M

Khamiis, Febaraayo 13, 2014 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo shacab iyo askar isugu jira.

Saddex xidigle ka tirsan booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah, dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayna ay ahaayeen dhammaantoo dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.

"Qaraxu wuxuu ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana dadka dhaawacyadu ay soo gaareen ku jiray laba ka mid ah ilaalada hay'adaha Qaramada Midoobay oo la bartilmaameedsaday," ayuu yiri Cap. Maxamed Xuseen oo weerarka ku eedeeyay Al-shabaab.

Weerarkan ayaa loo adeegaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo lagu bartilmaameedsaday gaadiid ay la socdeen saraakiil ka tirsan hay'adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Muqdisho, iyadoo dadka dhintay ay ka mid ahayd haweeney rayid ah oo maqaahi ku lahayd goobtaas.

Sakraalka u hadlay booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan laguna laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoo weerarkan mas'uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ay ku bartilmaameedsanayeen gaadiid ay wateen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayna ku dileen saddex ka mid ah saraakiishii Al-shabaab ee gaadiidka la socday.

Mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ilaalada hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa waxyeello soo gaartay, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay ay ku dhowdahay saldhigga weyn ee AMISOM ay ku leedahay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaraxan ismiidaamin ah ayaa kusoo beegmay iyadoo xalay degmooyin ka tirsan Muqdisho madaafiic culus lagu gaaracay, kuwaasoo mas'uuliyiinta dowladdu ay sheegeen inay ahaayeen kuwo macmal ah oo aan geysan wax khasaare ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya