4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2014
Ciidammo Itoobiyaan ah oo xalay Gaaray Magaalada Dhuuso-mareeb

Khamiis, Febaraayo 13, 2014 (HOL) — Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa xalay gaaray degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud, iyagoo noqonaya ciidamadii labaad oo deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud gaara 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamadan ayaa waxaa lagu wadaa inay maanta la kulmaan mas'uuliyiinta dowladda iyo kuwa Ahlusunna ee ku sugan degmada Dhuuso-mareeb, iyagoo kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

"Xalay waxaa magaalada soo gaaray ciidammo fara badan oo Itoobiyaan ah, waxay wateen gaadiid kala duwan oo kuwa dagaalka ah, shacabkuna si weyn ayay u soo dhaweeyeen," ayay tiri haweeney ka mid ah dadka ku nool degmadaas oo warbaahinta la hadashay.

Haweeneydan ayaa sheegtay in ciidamadan ay ka duwan yihiin kuwii horay degmadaas ugu sugnaa, ayna hadda sitaan calaamadaha AMISOM. iyadoo ciidamadan ay fariisimo ka sameysteen duleedyada degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud.

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa maalin ka hor gaaray degmada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galguduud, iyagoo fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaha degmadaas, waxaana mas'uuliyiin u hadlay maamulka Ahusunna ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaannada ay Al-shabaab ka taliso.

Tegitaanka ciidamada Itoobiya ay tageen degmooyinka gobolka Galguduud ka tirsan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ra'iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu sheegay inay kula dagaalamayaan Al-shabaab meel walba oo ay Soomaaliya ka joogaan.

Waa markii ugu horreysay oo ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ay gaaraan gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusunnna Waljaamac oo xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya, iyadoo ciidamada Itoobiya ay ku sugnaayeen gobolkaas iyagoo aan ka tirsanayn AMISOM.

Al-shabaab ayaa iyaduna horay u sheegtay inay la dagalamayaan ciidamda AMISOM ee ku biiray AMISOM, iyagoo ku sheegay ciidamada Itoobiya inay shaarka u bedesheen sidii ay u dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya