4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2014
RW ITOOBIYA: "Al-shabaab meel walba waan kula Dagaalamaynaa"

Khamiis, Febaraayo 13, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM markii ugu horreysay, isagoo sheegay in sababtu ay tahay sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dagaalka Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Hailemariam Desaleing ayaa hadal uu siiyay warbaahinta Itoobiya wuxuu ku sheegay in ciidamadooda ka mid noqday AMISOM ay tiradoodu tahay 4,000 oo askari, ayna ka howlgeli doonaan gobollada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya.

"Ciidamadeennu waxay ka qaybqaadanayaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna howlgalkooda ugu horreeya ka billaabayaan gobollada dhexe," ayuu yiri Desalegn oo intaas ku daray in deegaannada ay ku wajahan yihiin ciidamadoodas ay ka mid tahay degmada Ceelbuur oo ay ka taliso Al-shabaab.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay ciidamadooda sidoo kale ka howlgeli doonaan gobolka Gedo oo ka mid ah deegaannada ay ka howlgalayaan, isagoo intaas ku daray in ciidamadooda ay dadaal xooggan u galayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen falalka ammaan-darro ee ay kooxdu ka waddo deegaannada ay ka taliso.

"Waxaan helnay warar sheegaya in Al-shabaab ay doonayso inay weerarro argagaxiso ka geysato dalkeenna sababo la xiriira inaan ka mid noqonnay AMISOM, balse waxaan diyaar u nahay inaan ka hortagno weerar walba oo Al-shabaab nooga yimaada," ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay ciidamada Itoobiya kasoo tallaabeen soohdinta ay Somalia iyo Itoobiya wadaan, iyagoo isku ballaariyay gobollada Gedo, Bay, Bakool oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya iyo gobolka Galguduud oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sannadkii hore ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay ka mid noqonayaan kuwa AMISOM ee ka howlgalaya Soomaaliya, iyadoo markaas ay ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen gobollo ka mid ah Soomaaliya iyagoo aan ka tirsanayn AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya