4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2014
Yariisow oo shaaciyay inaysan jirin dhibaato uu Madaxweynuhu qabo


Arbaco, Febaraayo 12, 2014 (HOL) —Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayay maanta oo ahaa in madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu geeriyooday.

Inj. Yariisow ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been ah oo madaxweynuhu uu caafimaad qabo, dhawaanna uu dalka kusoo laaban doono.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa howlo caafimaad u aaday Turkiga toddobaadkan, iyadoo warar lasoo geliyay Muqdisho iyo gobollada dalka la isla dhexmarayay maanta in madaxweynuhu uu dhintay.

"Xaaladda caafimaad ee madaxweynaha way wanaagsan tahay mana qabo wax dhibaato ah," ayuu yiri Inj. Yariisow oo intaas ku daray inuu maalmaha soo socda kusoo laaban doono dalka.

Warka ku saabsan in madaxweynuhu dhintay ayaa waxaa si weyn looga dareemayay gobollada Puntland, Jubooyinka, Bay iyo Hiiraan, iyadoo hadalka afhayeenka uu buriyay hadalkaas.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa isna sheegay in warka la isla dhexmarayo ee ku aaddan in madaxweynuhu geeriyooday uu yahay mid been abuur ah.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay inuu u xaqiijinayo in caafimaadka madaxweynaha uu yahay mid wanaagsan isla markaana uu dhawaan dalka dib ugu soo laaban doono.

"Ma ogi halka ay ka keeneen kuwa faafiyay warkaas been abuurka ah, waa dacaayad cad," ayuu yiri wasiirka oo xusay in madaxweynaha uu caafimaad qabo uuna ku sugan yahay dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaan weli ka hadlin hadallada la isla dhex-marayay maanta, iyadoo dadka Muqdisho ku nool ay si weyn arrintan wax isaga weydiinayeen maanta oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya