4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2014
Xukuumadda Kenya oo xabsi ku Xukuntay Ruux Al-shabaab ka Tirsan

Arbaco, Febaraayo 12, 2014 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xukun 21-sano ah ku riday Salim Chagawa Karisa oo loo yaqaanay Ciise ,kaasi oo lagu xiray howl-gal sanadkii hore ay sameeyeen ciidamada amniga.

Salim Chagawa oo kamid ahaa dhalinayro tababar ku soo qaatay Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu qorshaynayay falal argagaxiso oo uu ka fuliyo goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalooyinka Nairobi iyo waliba Mombasa.

Masuul u hadlay booliska ayaa tilmaamay in eedaysanaha lagu soo qabtay isaga oo hub sita ,isla markaana ku sugnaa goob lagu qaxweeyeo oo lagu magacaabo Bagras Cafe ,waxaana uu xusay in dacwaddan ay u dhacday si cadaalad ah.

Ka hor intii aan la xukumin eedaysanahan waxaa gacanta ku hayay ciidamada la dagaalanka argagaxasida ,waxana jira tiro kale oo iyagana loo haysto qorshaynta falal amniga liddi ku ah oo ay ka abaabulayeen gudaha dalka.

Ciise ayaa sanadkii 2010-kii ka gudbay xadka Kenya uu la wadaago Soomaaliya,isagoo intaa wixii ka danbeeyay ku biiray ururka Al-shabaab oo uu tababar adag la soo qaatay sida lagu sheegay war maanta dowladdu ay ka soo saartay xukunkaas.

Xukankan ayaa ku soo beegmaya ,iyadoo aad loo adkeeyay amniga Mombasa iyo Nairobi ka dib weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen West-gate oo ahayd xarun ay ka dukaamaystaan ajaanibta ku nool wadankaas.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]