4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2014
Ururka ONLF oo beenisay inay ciidan ka tirsan isku dhiibeen Itoobiya


Arbaco, Febaraayo 12, 2014 (HOL) — Afhayeenka Jabhadda ONLF, C/qaadir Xasan Hir-mooge ayaa beeniyay war sheegaya in ciidammo ka tirsan ONLF ay isku dhiibeen ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isagoo ku tilmaamay warkaas mid aanay waxba ka jirin.

"Ma jiraan ciidammo ama shaqsiyaad ka tirsan ONLF oo isku dhiibay ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waa been iyo dacaayad aan sal lahayn," ayuu yiri Hir-mooge oo u wararmay HOL isagoo ku sugan magaalada Perth ee dalka Australia.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli shalay warbaahinta Soomaalida oo ay ku jirto HOL ay baahiyeen war ah in cidammo ka tirsan jabhadda ONLF ay isku dhiibeen ismaamulka Soomaalida Itoobiya, balse warar soo baxay markaas kaddib ayaa lagu sheegay in xubnahaas laga qabtay Soomaaliya loona gacan-geliyay Itoobiya.

"Bishan aan ku jirno 7-deedii ayaa nin la yiraahdo Sheekh Maxamed Aani oo xanuunsanaa, isla markaana baaritaan caafimaad iyo daawo ugu socday dalka Soomaaliya waxaa xuduudda labada dal ka qabtay ciidamada Ahlu-dunna Wal-jameeca ka tirsan, kaddibna waxay u gudbiyeen maamulka deegaanka Soomaaliya ee Itoobiya," ayuu yiri Hir-mooge oo intaas ku daray. "Taasi ma ahan is-dhiibis ee waa gacan galyo."

Afhayeenku wuxuu sheegay inay ogaadeen in Sheekh Maxamuud Aani markii hore la geeyay Shillaabo, kaddibna loo gudbiyay Qabri-daharre, haddana uu ku xiran yahay xabsi ku yaal magaalada Jig-jiga oo ah xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in maamulkooda uu ka qabtay gudaha gobolka Galguduud saddex xubnood oo ONLF ka tirsan ayna gacanta u geliyeen dowladda Itoobiya.

Hiiraan Online, New Desk