4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2014
Wasiirka Amniga Qaranka oo Haweenka kala hadlay Xoojinta Amniga

Arbaco, Febaraayo 12, 2014 (HOL) — Wasiirka amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed kulan looga hadlayay ammaanka la qaatay haweenka Soomaaliyeed qaarkood, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay tahay mid lagu xoojinayo ammaanka dalka.

Guuleed ayaa qiray inay jirto wada-shaqeyn la'aan u dhaxeeya hay'adaha amniga iyo qaybaha bulshada, isagoo ballan-qaaday in la xoojin doono wada-shaqeynta hay'adaha amniga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankan oo ay ugu horreyn ka hadashay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin bulshada, iyadoo xustay inay qayb weyn ka qaadan doonaan sugidda amniga.

Wasiirka ayaa sheegay inay qaadanayaan dhaliilaha loo jeediyo, isagoo xusay in dhaliilo ay noqdaan kuwo wax lagu saxo, isla markaana ay noqdaan qaladaad lagu bedelo wax wanaagsan.

"C/kariin Xuseen markii uu shalay macalinka ahaa wax lagama sheegi jirin, markii uu siyaasadda soo galay ayaa wax laga sheegayaa, waxaana u arkaa inuu yahay booska aan joogo, shaqada hala saxo ayaana u arkaa, wada-shaqeynta ay daawo u noqoto, haddii dhaliisha ay noqoto mid wax lagu saxayo," ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in bulshada qaybaheeda kala duwan ay qaybtooda ka qaataan sidii ammaanka lagu sugi lahaa, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay nabadda ka jirta Hargeysa oo uu muddo deggenaa ay sidii ay ku imaan lahayd qayb ka qaateen bulshada.

"Hargeysa ayaa muddo deggenaa nabada ka jirta ma ahayn mid ay sugeen ciidammo fara badan, kaliya bulshada ayaa ka shaqeysa oo ciidamada ammaanka xiriir iyo wada-shaqeyn la leh, baabuur xaafadda soo galay shacabka ayaa ku wargelinaya hay'adaha amniga, kaddib ciidammo boolis ah ayaa la wareegaya, marka waxaa nagala rabaa inaan sidaas oo kale uga wada-shaqeynno sugidda amniga," ayuu yiri wasiirka Amniga.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay in si loo joogteeyo wada-shaqeynta haweenka Soomaaliyeed iyo hay'adaha amniga in la sameeyo guddi shan xubnood ka kooban oo suuro-geliya xiriirka iyo wada-shaqeynta xagga ammaanka, isagoo xusay in haddii lawada shaqeeyo wax badan laga hortegi doono.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in dhawaan ay suuro-gelin doonaan in degmo kasta ay taleefoon geliyaan si bulshada ku nool ay u soo wacaan haya'daha amniga si ay ugu wargeliyaan haddii ay dhibaato arkaan.

Wasiirka Ammaanka Qaranka ayaa muddooyinkii u dambe waxaa uu kulammo la qaadanayay qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo uu kala hadlay sidii ay hay'adaha amniga iyo bulshadu ay wada-shaqeyn u u yeelan lahaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya