4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2014
Ciidan Itoobiyaan ah oo gaaray ee Degmada Gurceel ee G/Galguduud

Arbaco, Febaraayo 12, 2014 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM ayaa shalay gellinkii dambe gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, iyadoo ujeedada ciidamadan lagu sheegay inay tahay mid ay ku xoojinayaan dagaallada lagu jiro xoogagga Al-shabaab ee ku sugan qaybo gobolkaas ka mid ah.

Warrarka ayaa sheegaya in ciidamadan ay bedelayaa ciidammo Itoobiyaan ah oo horay ugu sugnaa Guri-ceel, kuwaasoo gacan ka siinayay maamulka gobolkaas dagaalka ay klua jiraan Al-shabaab, iyadoo ciidanka cusub ay wataan afar gaadiidka dagaalka ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo ka duwan ciidamadii Itoobiya ee horay degmadaas ugu sugnaa, ayna xiran yihiin calaamadaha lagu yaqaan ciidamada AMISOM ee Somalia ka howlgala.

Guddoomiyaha degmada Guriceel, Cismaan Ciise (Taar-dhuleed) ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadan ka socda dalka Itoobiya ay qayb ka yihiin kuwa AMISOM, ayna ku wajahan yihiin deegaannada ay kooxda Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Galgudud si halkaas looga saaro.

"Ciidamadan ka mid noqday AMISOM waxay deegaanka soo gaareen shalay gellinkii dambe waana kuwo loogu talo-galay inay ka qaybqaaataan dagaallada looga horjeedo Al-shabaab oo degmooyin dhowr ah kaga sugan gobolka Galguduud," ayuu yiri Taar-dhuleed.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya waxay kasoo tallaabayaan xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo isku ballaariyay deegaanno ka tirsan gobollada Gedo, Bay, Bakool iyo Galguduud oo ay shalay gaareen.

Tallaabadan ay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ku gaareen gobolka Galguduud ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo AMISOM ay deegaannadaas ku tagto, iyadoo sidoo kale lagu soo beegay xilli Al-shabaab ay ka hadashay ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdeen AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya