4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2014
Wakiilka Midowga Afrika oo la kulmay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda

Arbaco, Febaraayo 12, 2014 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif ayaa kulammo la qaatay qaar ka mid ah golaha wasiirrada xukumadda Soomaaliya, isagoo kala hadlay howlaha AMISOM ay dalka ka qabanayso xilliyada soo socda.

Danjire Anaadiif ayaa kulanka la qaatay mas’uuliyiin mid yahay wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Faarax Sheekh C/qaadir iyo wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha,Khadiijo Maxamed Diiriye; waxayna kawada hadleen xoojinta taageeradda AMISOM ee Soomaaliya.

Kulanka intii uu socday ayaa danjire Anaadiif wuxuu si weyn u aMmaanay dadaalada dowladda federaalka Soomaaliya ee dhinaca xuquuqda aadanaha, sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadaalka ay waddo wasaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ee ku aaddan sidii haweenka Soomaaliyeed ay uga badbaadi lahaayeen xadguduubka lagula kaco.

Sidoo kale, danjiraha ayaa kulan la qaatay wasiirka amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana kulankooda inta uu socday diiradda lagu saaray qorshaha AMISOM iyo laamaha amniga dalka iyo sugidda ammaanka.

Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay isku ballaariyeen deegaanno ka tirsan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla, iyadoo lagu sheegay is-ballaarintan inay tahay mid lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay dalka ka maamusho.

Dhanka kale, kulankan ayaa wuxuu imaanayaa xili xukuuuadda cusub ee Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay ku adkeyn lahayd ammaanka Muqdisho oo toddobaadyadii ugu dambeeyay ahaa mid aad u xun, kaddib markii ay Al-shabaab ay billowday duqeymo ay ka geysanayso Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya