4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2014
Dowladaha Somalia iyo Burundi oo heshiis kala saxiixday (SAWIRRO)


Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — War murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Bulxan iyo dhiggiisa dalka Burundi, Laurent Kavakure ayaa lagu faahfaahiyay isfaham labada dowladood dhexmaray kaddib booqasho seddex cisho ah oo uu Muqdisho ku joogay wafdiga ka socda dowladda Burundi oo garoonka Muqdisho uu kusii sagootiyay gelinkii hore ee shalay wasiir-u-dowlaha wasaaradda, Burci Maxamed Xamza.

War-murtiyeedka oo uu saxaafadda u aqriyay safiirka dowladda federaalka Soomaaliya ee dalka Burundi, Abshir Xasan Abshir Farah ayaa waxaa lagu sheegay in labada dowladood ay isla garteen iskaashi wadajir ah oo ay ka sameeyaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, nabadgelyada iyo maal-gashiga .

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Waxaa kale oo labada dowladood ay isla garteen dhisidda guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo dowladda Burundi ay dhawaan ka furan doonto safaarad Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Burundi, Laurent Kavakure ayaa ku casuumay wasiirka arrimaha dibadda Somalia inuu booqasho rasmiy ah ah ku tago magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad-celisay dowladda iyo shacabka Burundi ciidamada nabad ilaalineed ee ay ku tabaruceen howlgalka nabad ilaalinta (AMISOM), iyadoo ciidamada Burundi ay kaalin weyn ku leeyihiin yihiin xasilinta ammaanka dalka, taasoo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aanay marnaba iloobi doonin dhiigga walaalnimo ee Burundi ay u daadisay howgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya