4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2014
MAAMULKA HIIRAAN: ''Al-shabaab weerarro ayey qorsheynayaan"

Talaado, Federaayo, 11, 2014 (HOL) - Kaddib markii uu soo baxay maalintii shalay warka ku saabsan qarax ka dhacay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan, kaas oo ka dhashay gaari lagu dul diyaarinayay walxaha qarxa, ayaa saraakiisha ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraan waxay sheegeen inay ka feejigan yihiin weerarro is qarxin ah oo ay damacsan yihiin Al-shabaab.

Taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Max'ed Amiin ayaa sheegay in ay ka war-hayaan qaraxyo ay damacsan yihiin Al-shabaab in ay ka fuliyaan magaalada Beledweyne, isagoo intaas raaciyey in qaraxii maalintii shalay ka dhacay degmada Buula-burte uu qeyb ka ahaa qorshayaasha Al-shabaab ay ku doonayaan in ay weerarro uga fuliyaan magaalada Beledweyne.

''Waxaan ka war helnay gaari booyad ah ee laga soo buuxiyay walxaha qarxa in ay u soo dirreen magaalada Beledweyne, arrintaa ciidamada amnigu siweyn ayeey uga foojigan yihiin,'' ayuu yiri taliye ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan.

Qaraxii ka dhacay degmada Buula-burte ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen ku dhawaad 10 ka tirsan dagaal-yahannada Al-shabaab sida ay dadka deegaanka ku dhaqani warbaahinta u xaqiijiyeen.

Xoogagga Al-shabaab ayaa maamula inta badan deegaannada gobolka Hiiraan, marka laga soo  tago magaalada Beledweyne iyo degmada Matabaan oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.