4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2014
Xiisaddii Golaha Wakiillada oo la danjiyay iyo dhinacyada oo kulmaya

Isniin, Febaraayo 10, 2014 (HOL) — Khilaafkii siyaasadeed ee golaha wakiiladda Somaliland ka taagnaa ayaa waxa maanta dajiyey xubno ka tirsan golaha Guurtidda iyo Akadamiga nabadda Somaliland, kuwaas oo muddo todobaad ah ka codsaday golaha inay fasax galaan ka dibna dib la iskugu soo noqdo.

Fadhigii maanta oo uu gudoominayey gudoomiye cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa golaha ku wargaliyey inay golaha la joogaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali oo ka tirsan Akaddamiga nabadda iyo Xaaji Cabdi waraabe oo ka mid ah aqalka odayaasha, kuwaas oo ka mid ah dadweynaha sida weyn loo ixtiraamo, waxaana halkaasi ka hadlay xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo golaha ka codsaday in toddobaad fasax ah la galo, isla markaana dib la iskugu keeni doono gudoomiyaha iyo labadda gudoomiye ku xigeen ee golaha oo salka u ah khilaafka golaha ka jira.

"Waxa aanu garanay in saddexdaas nin ee walaalo ah (shirgudoonka golaha) aanu codsi u gudbino, wayna naga aqbaleen, si aynu dhamayno wixii khilaaf ah, Goluhuna uu todoba cisho oo fasax ah galo"ayuu yidhi Xildhibaan Xaaji Cabdi waraabe.

Xildhibaanaddii golaha fadhiyey ayaa si weyn usoo dhoweeyey soojeedinta odayaasha, isla markaana ka aqbalay sidaasna ayuu gudoomiye cirro fadhigi ku soo xidhay.

Haseyeeshee arrintaasi waxaan raali ka noqon gudoomiye ku xigeenka golaha Baashe Maxamed Faarax oo sheegay in aanay isku ogeyn gudoomiyaha in odayaashu yimaadaan balse la isku ogaa in mooshinkii halkiisii laga sii waddo.

"Anagu dee balan ayaanu lahayn, waxa aan u tagay guddoomiyaha golaha wakiilada oo aan ku idhi waa in golaha wakiilada la soo hordhigaa mooshinadii, sidii ayaanu isku ogayn, laakiin arrintan Golaha Guurtida maanaan ogayn, mana ogolin"ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada oo horkacaya 55 xildhibaan ee mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha watay, waxaanu intaas ku daray "Arrintaasi Golaha ayay u taala, hadii ay yeelayaan iyo hadii kaleba, waanan ka tashan doonaa"

Ka hor inta aan odayaashani damin khilaafka ayaa waxa madasha ka jiray buuq iyo sawaxan iyo inay laba xildhibaanba gaarkoodda u faqaan, waxaana jawiga golaha laga darameeyey xiisada kacsanaa ee golaha ka jiray.

Sidoo kale, waxa la arkeeyey amniga golaha, isla marakana waxa laga soo buuxiyey ciidan faro badan, kuwaas oo xidhay wadadda laamida ah ee hormarta, isla markaana hakad galiyey muddo saacado ah isku socodkii magaaladda iyo gaadiidkii isticmaali lahaa jidkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanadda labadda dhinac kala taageersan ayaa si weyn iskugu soo diyaar garoobay, isla markaana qolo waliba doonaysay inay tooda marsiiyaan.

Dhinaca kale, dadweynaha ayaa iyaguna kala taageersan dhinacyadda isku haya golaha, kuwaas oo ku kala aragti duwan khilaafka ka jira golaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland