4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2014
Ciidammo ONLF ah oo isku dhiibay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) – Ciidammo ka tirsanaa jabhadda ONLF ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen Taliska amniga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo ciidamadan lagu qanciyay inay nabadda qaataan si looga gudbo caqabadaha hortaagan is-fahan dhamaystiran oo ay gaaraan dhinacyada dowladda iyo mucaaradka.

Sida lagu sheegay war ay dowladdu arrintaa kasoo saartay, waxaa kooxda isa soo dhiibtay hoggaaminayay nin lagu magacaabo Muxumad Aani oo isagu muddo ka tirsanaa jabhadaas, kana soo jeeda magaalada Dhagax-buur oo xarun u ah gobolka Jarar ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Masuulka isa soo dhiibay oo la weydiiyay sababta keentay arintan ayaa sheegay in ay qadka Taleefanka kuwada hadleen Sulub Cabdi Axmed oo ka tirsan dowladda ,isla markaana uu ku qancay dalabka loo soo jeediyay, isaga iyo tiro ciidan ah oo la socota.

Qaar kamid ah xubnaha ay wada socdeen sargaalkan oo magacyadooda la shaaciyay ayaa waxa ku jiray Carab Xawawar iyo waliba Mukhtaar Casood oo labaduba u dhashay dowlada deegaanka Soomaalida, lamana sheegin halka looga hortagay kooxdan iyo tiradooda guud inta ay tahay.

Madax ka tirsan hogaanka nabad-galyada DDSI ayaa ugu baaqay qurba-joogta ka tirsan ONLF in ay nabadda fahmaan ,isla markaana ay isa soo dhiibaan, waxaana loo ballan qaaday in ay qayb ka noqon doonaan harumarka ka socda guud ahaan gobolka, isla markaan si wacan loo soo dhaweyn doono.

Cabdi Maxamuud Cumar madaxweynaha dowlad deegaanka oo dhawaan booqasho ku tagay magaalada London ayaa si lamid ah sheegay in cid walba oo nabadda ka soo horjeedsata laga hortagi doono.

Ugu danbayntii ma ahan markii ugu horeysay oo xubno ka tirsan jabhadda ONLF ay isku soo dhiibaan dowladda deegaanka ,waxaana arintan ay ku soo aadaysaa, iyadoo dhawaan dowladda Itoobiya ay beenisay in xubno ka tirsan ururkaas laga soo afduubay Kenya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]