4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2014
Shilalkii Janaayo ka dhacay Magaalada Muqdisho oo laga Warbixiyay

Isniin, Febraayo 10, 2014 (HOL) – Taliska ciidanka nabadgelyada waddooyinka Muqdisho ayaa sheegay in in bishii lasoo dhaafay ee Jannaayo ay dhaceen shilalkii ugu badnaa uguna khasaaraha badnaa, iyadoo ay ku soo badanayaan Muqdisho gaadiidka yar-yar ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in 10-ruux ay ku geeriyooday shilal ka dhacay Muqdisho bishii lasoo dhaafay oo ahayd tii ugu horreysay sannadkan; isagoo xusay in 35 ruux ay shilalkaas dhaawacyo culus kasoo gaareen, halka 49-qof oo kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo fudud.

"Bishii ugu horreysay sannadkan ee Jannaayo shilalkii Muqdisho ka dhacay guud ahaan waxay ahaayeen 164, 10 ruux ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay 84-qof oo kala ah, 35 dhaawacyo culus ah iyo 49 kuwo fudud ah. Tirada gaadiidka isku dhacay waxay ahaayeen 276-gaari," ayuu yiri taliyaha taraafika Muqdisho Jen. Cali Gaab.

Taliyaha oo la weydiiyay sababta ay u soo bateen shilalka gaadiidka ayaa sheegay in aqoon-yari haysata wadayaasha gaadiidka ay taas sabab u tahay, isla markaana ay jiraan darawallo dhagaha taleefoonno ay ugu jiraan oo aan feejignayn marka ay wadaan.

"Darawallada intooda badan ma ahan kuwo taxadarkoodu badan yahay, waana tan keentay inay shilalku ku bataan waddooyinka," ayuu Jen. Cali Gaab hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in darawallada qaarkood aysan la socon guuxa gaadiidka baasaya ama jidadka ay ka leexanayaan kusoo jira.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shilalka qaarkood ay maxkamad u gudbiyeen, waxaana uu ka dhawaajiyay in ciidanka nabadgelyada waddooyinka ay inta badan soo celiyeen nidaamkii waddooyinka.

Jidadka Muqdisho ayaa waxaa dhawaan laga howlgeliyay nalalka samafaaraha, si gaadiidka ay tilmaamaha socodka u siiyaan, isla markaana loo yareeyo nidaam-darrida waddadooyinka loo maro, iyadoo ay barbar socotay dayactir lagu sameeyo waddooyinka waaweyn ee Muqdisho qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya